Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kulan looga hadlayay amaanka xaafada Islii oo lagu qabtay magaalada Nairobi.

Kulankan balaadhan ee looga hadlayay amaanka Xaafada Islii ee magaalada Nairobi  ayaa waxaa ka soo qeyb galay xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kaamakunji oo ay Islii ka tirsantahay Xildhibaan Yuusuf Xassan, Xildhibaanada laga soo doorto deenaada ku hareereysan xaafadda Islii, saraakiil ka tirsan ciidamada booliska ee Kenya, xubno ka socday gudiga is dhex-galka iyo isku duubnida qaran ee dalka Kenya, safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya, culumaa,udiin, ganacsato iyo dadweeyne aad u fara badan.

Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay sidii aysan dib uga dhici lahayn xaafadda Islii oo ay Soomaalidu degto qalalaasihii shalay hakiyay ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka ee xaafadaasi, Xildhibaanka Kaamakunji Yuusuf Xassan ayaa sheegay in aan la ogolaan karin waxyeeleynta iyo boobka loo geysanayo hantida iyo ganacsiga xaafada Islii, sidoo kale masuuliyiintii ka hadlay kulanka ayaa muujiyay sida ay uga xunyihiin dhibaatadii iyo qaraxii ka dhacay xaafadda Islii iyagoo sheegay in loo baahanyahay in waxyaabaha ka dhaca xaafadaasi aan lagu eedeyn karin dad gooni ah iyagoo tibaaxay in aan isku dhacyada lagu saleynin diin ama qoomiyad loona baahanyahay in nabadda deegaanka si wada jir ah looga shaqeeyo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag