Akhriso Go’aamadii kasoo baxay shirkii Qurbo Joogta Beesha Maxamed Garaad (Bah-ararsame).
Shir ballaadhan oo ay isugu yimaadeen qurba joogta beesha Maxamed Garaad (Bah-ararsame) oo lagaga arinsanyey xaaladda guud e deegaannada Khaatumo State, shirkaas oo ahaa nooca looyaqaan telephone confrece, ayaa beeshu waxay kaga hadleen xaladihii hore uga taagnaa deegaanada Khaatumo state iyo kuwa hadda soo cuboonaadayba, wada hadal muddo dheer qaatay iyo gorfayn badan waxaa beesha qurba jooggeedu isku raacay qodobbadan hoos ku qoran:
- in la xoojiyo oo lalaba jibbaaro midnimda wada jirka iyo wax istarka guud ahaan beelaha ku bahoobay maamulka Khaatumo state of Somaliya.
- In la soo celiyo deegaanka maqan ee Khaatumo, lana difaaco deegaanada xorta ah maamulka Khaatumo.
- In si wada jir ah looga hortago duullaanka gardarada ah ee beelaha dirta woqooyi ku hayaan deegaanada Khaatumo state.
- In taageero hiil iyo hoo ba leh lala garab istaago maamulka khaatumo state, si ay u gutaan waajiboodkoodii loo samaystay.
- Waxay beeshu taageertay soona dhawaynaysaa goaankii ka soo baxay shirkii ay galeen walaalahayo deegaanka Nugaasha beesha (Ugaadhyahan), kaasoo ahaa goaan wax ku ool ah sida ay u qaateen si lamid ah ayaa beeshu ula qaadatay.
- In meel looga soo wada jeesto cid kasta oo isku dayda inay wax u dhinto jiritaanka midnimada sharafta iyo karaamada ummadda reer khaatumo hadduu yahay mid u dhashay iyo mid kaleba.
ALLAA MAHAD LEH
Guddiga Jaaliyadda
Figradihiina