Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Muqdisho Nov 18, 2014 Machadka (ISOS) ee daraasaadka Soomaalida waxa uu daahfuray hindisaha cilmibaarayaasha dhalinyarada ah ( Somali Young Researchers Initiative). Hindisahani waa barnaamij loogu talagalay in ardada maraya tacliinta heer jaamacadeed in loo diyaariyo inay mustaqbalka noqdaan cilmibaarayaal ka shaqeeya daraasaadka Soomaalida.
Daahfurka hindisahan waxaa lagaga dhawaaqay xaflad balaaran oo machadka ISOS soo qabanqaabiyay, laguna qabtay hoolka kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Muqdisho, Isniin 17/11/2014.
Xafladda waxaa ka hadlay masuuliyiin iyo aqoonyahanno kala duwan; dhamaantood waxay hoosta ka xariiqeen baahida Soomaaliya u qabto in cilmibaaris iyo daraasad lagu sameeyo dhinacyada kala duwan siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, taariikhda, khayraadka, iyo dhinacyo kale oo badan.
Machadka daraasaadka Soomaalida – Institute for Somali Studies (ISOS) waa xarun cilmibaariseed raacsan Jaamacadda Muqdisho. Machadku wuxuu sameeyaa hawlo kala duwan ee cilmibaariseed.
Howshana waxay kamid tahay howlihii uu qabtay machadka
Hawlaha machadka kala soco boggiisa “www. facebook.com/isos.mu“
Figradihiina