Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xalintii Khilaafka Madaxda Ee Bulxan & Gurxan! WQ: Axmed-Assad

Soomaalidu waxay hore u tijaabisay, Diimuqraadiyad, Hantiwadaag, Dagaal-Oognimo & Kacdoon-Diimeed dhamaantoodba way inoo shaqayn waayeen. Haddaba, Bulxan & Gurxan maanta toloow xagee bay khilaafka madaxdeena xal uga raadin doonaan?
Waxaan hoos idiinku soo koobay khudbadihii ay Bulxan & Gurxan maanta ka jeediyeen Baarlamaanka meel aan ka fogayn.
BULXAN baana ku horeeyay oo faahfaahin ka bixiyay waxa sabab u ah khilaafkan cusub, wuxuuna ku bilaabay:
 Walaalayaal, markaynu Demquraadiyadii u guurinay qabyaalad (1960-1969) waxaa inoo dhashay wiil foolxun oo aynu magaciisa u bixinay MUSUQ-MAASUQ!
Walaalayaal, si aynu uga baxno Musuqmaasuq haddana waxaynu isu dhisnay ciidamadii & hantiwadaag (1969-1991) waxayna inoo dhaleen KALIGII-TALIYE!
Walaalayaal, si aynu Kaligii-Taliyenimo uga baxno haddana waxaynu naf bidnay inaynu isu guurino JABHADDO & DERG (MINGISTE) waxayna inoo dhalleen MOORYAAN!
Walaalayaal, markaynu baabanay ee hoognay ayaynu isku daynay in aynu Illaahay u toobad-keeno si aynu Mooryaanta & Dagaal-Oogeyaasha uga baxno, dabadeedna waxaynu isku milnay Siyaasad & Diin waxayna inoo dhalleen SHABAAB!
Walaalayaal, intaa kadib, reer-galbeedkaa inala taliyay oo inagu yiri, Soomaaliyeey Kaligii-Taliye wuu idin dilay, Mooryaanina way idin xasuuqday, Shabaabna way idin gawraceen, laakiin Musuqmaasuqu waxbuu dhaawacaaye dhibtiisa looma dhinto.  Marka diimuquraadiyadiinii-qabyaalada ahayd dib ugu soo noqda.
Walaalayaal, khilaafka madaxdeenu hadda dhib wayn ayuu inagu hayaa, laakiin wali dhiig kuma daadan, taasina waa rajo wanaagsan iyo guul e ha niyad jabina!
Walaalayaal, Madaxwaynaha & Ra’isal wasaarahu may ahayn dad siyaasadda ku ciraystay oo aynu khibrad, hawl-karnimo, iyo shaqo wanaag aynu ku dooranay ee amar Alle & nasiib uun baynu ku yimaadeen.  Walaalkayoow, miyay idinka suurtowdaa inaad kiraysataan diyaarad macmil ah oo uu sameeyay saaxiibkay Gurxan, tasoo aan waligeedna hore loo tijaabin? Ama inaad wiilkaaga curad oo 1 sanno jir ah saartid awr aan waligii hore loo lalyin ama la tababarin? Jawaabtu waa Maya!
Haddaba, Walaalayaal ogaada waxaynu xilka u dhiibanay rag aan is aqoonin oon khibrad dawladeedna lahayn. Marka haday inala kacaa kufaan yaanaan ku sasine aynu u dulqaadano! Ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday.
Haddana,  waxaa qudbadii la wareegay Gurxan oo ka jawaabayay su’aal ahayd, “sidee khilaafka madaxda xal loogu heli karaa?” Wuxuuna ku bilaabay:
Beribaa waxaa warshad wada lahaa lahaa 3 nin (Mulkiilaha 1aad(M1) Mulkiilaha 2aad(M2), & Mulkiilaha 3aad(M3) ) oo saamiyo is le’eg lahaa (33.5%). Mid kastana waxaa saamigiisa wax ku sii lahaa dad ehelkiisa, qaraabadiisa & saaxibadii ah.
M1 waxaa loo xil saaray inuu madax ka noqdo xiriirka macaamiisha & sugida amniga. M2 waxa loo xilsaaray inuu madax ka noqdo qaynuunka & qorshaynta maaliyada. M3 waxa madax looga dhigay shaqaalaha iyo habsami u socodsiinta hawlaha warshadda. Waxa kale oo lagu heshiiyay in shaqaalaha warshadda loo soo xulo si wadajir ah oo cid waliba oo saamileyda ka mid ahi ku qanacsan tahay.
Nin kastaa wuxuu keensaday dadkii ehelkiisa ahaa iyo dadkii kale ee uu hantida wakiilka uga ahaa kuwoodii ugu firfircoonaa oo uu shaqaalaha ku soo daray, boosaska muhiimka ahna waxaa loo qaybsaday si siman oo isu dheeli tiran.
 Warshada dhawaan uun baa dib loo furay. Waxayse 25kii sannadood ee la soo dhaafay u xirnayd khilaaf soo kala dhex-galay mulkiileyaasha cusub aabayaashood, oo hore ugu heshiin waayay qaabkay u wada maamuli lahaayeen.  Warshadu waxay durba suuq-badan kala soo noqotay warshado kale oo dariskeeda ah oo intii ay xirnayd aad uga faa’iidaystay.
Nasiib daro, M3/madaxii shaqaalaha & fulinta ayaa waxa ka amar-diiday xubin muhiim ah oo shaqaalihiisa ka mid ah, markii horena uu soo xulay M1.  Kadibna, M3 ayaa sida wax u jiraan u sheegay M1 iyo in aanu ku qanacsanayn waxsoosaarka ninkaa, isla markaana ku war galiyay inuu doonayo inuu u bedalo shaqo kale oo ka duwan miduu hayay.
M1 wuxuu isku dayay inuu xaajada qaboojiyo wax walbana ay sidooda sii ahaadaan illaa intay warshadu si fiican uga taabo galayso. Haseyeeshee, M3 oo laga rabo habsami u socodka warshada ayaa wuxuu ku adkaystay in aanay warshadu si fiican u shaqayn karin hadii ay jiraan shaqaale amar-diido wada oo siday doonaanba yeela, dabadeedna khilaafkii ayaa cirka isku sii shareeray!
Mudo kadib, markuu M3 ku qancin kari waayay M1 in gacan yarihiisa booska laga bedalo, ayuu soo saaray wareegto uu isagu shaqada kaga bedalayaayo ninkii amardiiddada sameeyay, isagoo waliba u magacaabay darajo ka hoosaysa tiisii hore.  Haseyeeshee, M1 oo markiisii horeba aad uga caraysnaa dhawr qof oo hore oo aan ruqsayntooda lagala tashan ayaa arintan u arkay mid isaga miciyaha lagaga siibayo, kadibna isku-bedelkaas gaashaanka ayuu ku dhuftay.
Markay heshiin kariwaayeen, ayay isula tageen M2 oo u qaabilsannaa qaynuunka & jaangoynta hantida si uu u xaliyo khilaafkooda. Haddaba, M2 markuu dhagaystay doodihii labada dhinac, qaynuunkiina uu eegay ayuu ku  taliyay: Waa in M3 ay shaqaaluhu amarkiisa fuliyaan, haseyeeshee haduu bedalaayo mid ka mid ah shaqaalaha uu soo xulay M1 waa inuu isaga marka hore idan ka qaataa.  Wuxuuna ka codsaday inay khilaafkooda hoos-hoos u xaliyaan, si khilaafku aanu u noqon kii aabayaashood dilooday oo kale.
Nasiib darose, waxay garan waayeen qaab ay ku heshiiyaan. Kadibna markay shaqadii warshadu hakatay ayuu M1 talo ahaan ku soo jeediyay, in maadaama ay M3 wada shaqayn kari waayeen in si warshada loo badbaadiyo saamigiisa la iibiyo kadibna uu wixiisa lacag ahaan u qaato. Haseyeeshee, waxaa taladaa ku gacan sayray M3 oo cadeeyay inaanu aqbali doonin in saamigiisa la gado.
Intaa ka dib, warshadihii kale ee la tartami jiray ayaa markay maqleen in haddana laysku haysto maamulka warshada ayay qaarkood damceen inay gabi ahaanteedaba iibsadaan, halka qaar kalena ay ka rabeen in khilaafku sii kordho si ayba suuqa uga baxdo. Sidoo kale, dadkii hore loo shaqaalayn waayay ayaa iyagana rabay in shaqaalaha oo dhan la kala diro si ay fursado shaqo oo cusub u hellaan. Waxaa iyaguna khilaafka sii hurinayay ganacsato diyaar la ah lacago  badan oo doonayay inay hadba saamigii banaanaada iibsadaan.
Markii arintii xal loo waayay, ayay isula tageen nin garyaqaana oo deegaanka caan ka ahaa, oo ahaa been ma sheegahaygan Gurxan ah. Waxaana talo ahaan ugu soo jeediyay inay 4 arrimood mid uun yeellaan 1) In Xal dhexdhexaad ah la helo oo shaqaalihii khilaafku ka dhacay loo dhiibo jago u qalanta tiisii hore, 2) In Midkood tanaasulo ama is casilo, 3) In warshadda laga iibiyo ganacsatada kale ee danaynaysa, iyo  4) In warshada gabigeedaba la gubbo si aanu khilaafkeesi mar dambe u soo noqon.
Haddaba, hadda waxaanu sugaynaa M1,M2 & M3 afartaa qodob midka ay qaadan doonnaan. Soomaali baanse kaa aqaanaayoo, waxaa ka suurtowda inay ku heshiiyaan in warshadda gabigeedaba la gubbo!
W/Q: Axmed-Assad
Ahmedy98@yahoo.com, Facebook.com/Murtisoor, Tiwitter@Axmed.Assad

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply