Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
” Xeerka Soomaalidii Hore iyo Qaanuunka Soomaaliya” ayuu ahaa mawduuca bishan ee barnaamijka aqoonisweydaarsiga cilmiwadaag platform ee uu qabanqaabiyo Machadka Daraasaadka Soomaalida (ISOS); waxaana soo jeediyay mudane Axmed Sheekh Cali (Buraale).
Mudane Buraale waxa uu sheegay in Soomaalidu leedahay xeerar soojireen ah, ha noqoto dhanka garsoorka, ama hanaanka dhaqandhaqaale ee bulshadu ku dhaqmi jirtay. Aqoonisweydaarsigan wuxuu ku soo bandhigay xeerarkii garsoorka ee Soomaalidu isku xukumi jirtay markii wax la isku qabto. Wuxuu isbarbardhig ku sameeyay qawaaniinta casriga ah.
Aqoonisweydaarsiga waxaa ka soo qaybgalay aqoonyahanno kala duwan, oo ku xeeldheer dhinacyada qaanuunka iyo shareecada, iyo dhaqanka Soomaalida. Si fiican ayay uga doodeen mawduucan, waxayna ka soo jeediyeen talooyin dhowr ah.
Waxaa la isla tilmaamay inay lamahuraan tahay in xeer-Soomaaliga kaalin muuqata laga geliyo sharciyada iyo qawaaniinta Soomaaliya.
Mudane Axmed Sheekh Cali (Buraale) waa garsoore ruugcaddaa ah, iyo qoraa Soomaaliyeed. Shaqada garsoorsoorka maxkamadaha Soomaaliya waxa uu ku biiray 1967, wuxuu leeyahay waayo-aragnimo nus qarni ah. Waa qoraa buugga “XEERKII SOOMAALIDII HORE”, la daabacay 1977, mar kale la daabacay 2002; loo tarjumay Af Ingiriisi ” THE SOMALI CUSTOMARY LAWS”.
Machadka daraasaadka Soomaalida – Institute for Somali Studies (ISOS) waa xarun cilmibaariseed raacsan Jaamacadda Muqdisho. Machadku wuxuu sameeyaa hawlo kala duwan ee cilmibaariseed.
Hawlaha machadka kala soco boggiisa “www. facebook.com/isos.mu“
Figradihiina