Isbahaysiga & Shaxda Xisbiyada Ee 2016-2020
Qormadani waa cabir kooban ku odorosayasa sida Soomaalidu xisbiyo aan qabiilooyin ku dhisnayn ay isula samaysan doonnaan.
XISBIGA JAMHUURIGA (FEDERAL, HORUMAR & NABAD):
Xisbigani wuxuu aamini doonnaa in Soomaalidu ay ku baaba’day dawlad dhexe oo xooggan oo hal magaalo dadkoo dhami isugu ururo sidii hore u dhacday. Waxay ka warwar qabaan inay Soomaaliya noqoto gaariga loo yaqaano madax-ka-nool (gaari shir wayn iyo gurro yar leh). Waxay rabaan inay awoodda badan-keeda la siiyo dawlad-goboleed-yada(states), dawladda dhexena ay noqoto gaariga loo yaqaano Waaraadka (gaari gurro wayn iyo shir yar leh). Sidaa darteedna ay awooda dawladda dhexe noqoto mid kooban.
Waxay aaminsan yihiin(doonnaan) in dawladnimada la fidiyo oo maamul gobolleed (state) kastaa isku tashado. Jamhuuriyuuntu waxay qabaan inay iyagu is bixin karaan kaligood, iyagoon wax badan uga baahnayn dawladda dhexe. Waxay jecel yihiin inay dawladda dhexe dekedaha ka qaadato saami yar, halka inta baddan ay goboladu maamuli doonnaan.
Waxay taageero baddan ka fillan doonnaan state-yadda Puntland, Jubaland, & Somaliland. Sababta aan sidaa u irina waxay tahay:
1) Waxay haystaan Illo dhaqaale oo ka yimaada 3da dekadood ee waawayn marka laga reebbo Muqdisho (Berbera, Boosaaso & Kismaanyo).
2) Somaliland & Puntland waxay ahaayeen dadkii isku tashaday Waaggii-Hallaaga samaystayna dawlado sugga amniga, adeega bulshadana wax uun ka qabtay. Sidoo kale, waxay qaar badan oo ka mid ahi qabaan inay yihiin dadkii uu kacaanku xukunka ka boobbay (C/rashiid & Cigaal). Waxay kaloo ahaayeen dadkii ugu horeeyay ee halgan hubaysan kala hor yimi dawladdii kacaanka.
3) Jubba in kastoo uu maamulkeedu cusub yahay, haddana waxay Jamhuuriyiinta ula safan doontaa:
B) Waa gobolka ugu hodansan Soomaaliya xagga beeraha & xoolaha (xagga beeraha waxa soo dhaweeya Sh. Hoose, xagga xoolahana gobolada Waqooyi & Dhexe), intaasna waxa u sii dheer deked iyo maadaar wayn. Taas ayayna ahayd sabta looga dhisay warshadihii hillibka Kismanyo, sonkorta Mareeray, bacda & kartoonka Jamaame, bariiska Mugaambow, bariiska Yoontooy, bariiska & biyo-xireenka Faanoole, IWM.
T) Waa state-ka kaliya ee xuduudda la leh wadanka Afrikada Bari & Dhexe ugu taajirsan (Kenya), iyagoo markaa cashuuro badan mustaqbalka ka filanaya inay ka hellaan dakad-dhulleedyada Balad-Xaawo & Dhoobley. Waa state-ka kaliya ee uu maro wabiga Soomaaliya ugu wayn ee Jubba. Isku-fillaanshahaas dhaqaale darteed ayayna u badan tahay in badankoodu ku biiraan xisbiga Jamhuuriga.
Xisbiga Jamhuuriga waxay saxiibaddooda caalamiga ahi noqon doonaan Ethiopia, Kenya, & Reer-Galbeedka. Wuxuu xisbigani u ekaan doonnaa ka Jamhuuriga (Republican) ee Marakanka oo ay isku fikrad ka yihiin dhimista awooda dawladda dhexe iyo xoojinta maamulada gobollada.
Waxay Muqdisho siyaasiyiin badan oo ka mid ahi u arkaan (doonnaan) inay tahay goob aan Soomaalida dhex u ahayn, waxaana suurtoowda inay soo jeeddiyaan in caasimada loo raro meel ay u arkaan dhexdhexaad (Baraawe, Marka, Ceerigaabo, Baydhabo, Gaalkacyo IWM).
Xisbigani wuxuu xoogga saari doonnaa adkaynta nabadda oo ay u arkaan inay aasaas u tahay horumarka iyo qaranimadda. Waxay aaminsan yihiin (doonnaan) in aan mu’minka 2 goor god laga wada qaniin, si aanu dulmigii dhacay dib ugu soo noqonna cashar laga barto wixii dhacay Waagii-Halaagga, dibna aan loogu noqon wixii markii horeba burburka keenay wax u dhaw.
XISBIGA WADANI: (MIDNIMO, SINAAN & CADAALAD)
Xisbigan waxaa ku bahoobi doonna dadka aaminsan inay Soomaaliya noqoto dawlad xoog leh oo aduunka laga haybaysto. Waxay rabbaan in la dhiso ciidamo xoog leh oo wadanka ka difaaca cadawga dibadda & ka gudahaba. Waxay rabaan inaan amuuraha Soomaaliya, khayraadkeeda, sharafteeda, midnimadeeda iyo ciiddeeda toona aan lasoo fara gashan.
Waxay ka warwar qabaan inuu xisbiga Jamhuurigu wadanka u horsoodi doonno in la noqdo imaaraddo yaryar oo aan tamar lahayn, oo ay wadamada deriska ahi u taliyaan aakhirkana kala gogo’a.
Xisbigini wuxuu rabbaa inuu saacada dib ugu celiyo xilligii Berisamaadkii Soomaaliya ee 1976, oo wixii collaad dhacayna la iska cafiyo horeyna looga socdo.
Waxay qabaan in hantida qaranka sida dekedaha, maadaarada, iyo khayraadka dabiiciga ahba ay ummadu wada leedahay oo aanu reerna gooni u lahayn. Islamarkaana ay dawladda dhexe si cadaalad ah oo loo siman yahay gobollada oo dhan wax ugu qaybiso iyadoo eegaysa baahida shacabka oo dhan.
Waxay si jibo leh u jecel yihiin callan-ka Buluugga ah, suudh-ka ay xirtaana marna ku arki maysid laba calan oo isku hoos sawiran oo luqunta ugu dheggan(mar walba waa xidigta cad & buluugga).
Waxay meelaha qaarkood kala sifo noqon doonaan xisbiga Diimuqraadiga ah ee Maraykanka marka laga eeggo dhanka caawinta dadka/goboladda dekedaha aan lahayn, iyo illaalinta xaquuqda dadka laga tiro badan yahay.
Dawladdaha derriska waxay u soo bandhigi doonnaan derris wanaag, ganacsi xor ah iyo wada noolaansho. Laakiin, ma aqbali doonnaan in Soomaalida dhulalkooda deggan in marna la dulmiyo ama dhibaato loo geysto.
Xisbigani wuxuu rajaynayaa inuu taageero badan ka helo Gobolada dhexe, Banaadir, Khaatumo, Gedo (qayb ka mid ah), Awdal, Koonfur Galbeed (qayb ka mid ah) & Salifiyiinta.
Saaxiibadooda caalamiga ahina waxay noqon doonnaan Turkiga, Carabta, Uganda, Rwanda, Djabuti & Shiinaha.
XISBIGA DHEXE: (DHEELI-TIR & HUFNAAN)
Xisbiga Dhexe wuxuu noqon doonnaa mid labadda fikradood ee sare ku xusan nacfi & khasaare labadaba ku dhex arka. Xisbigani wuxuu noqon doonnaa mid isu dheeli tira labada xisbi ee kale, wuxuu hadba muslaxad wanaagsan u arko ayay taladiisu ku salaysnaan doontaa.
Xisbigani wuxuu taageero badan ka filan karaa dadka qunyar-socodka ah, Ehlu-Sunna, Koonfur Galbeed(qaybo ka mid ah) & Qurbajoogta Beesha Shanaad (qaar ka mid ah).
Wuxuu qaab ahaan soo shabihi doonnaa Xisbigii Gareet-ka ee uu madaxda ka ahaan jirray Xaaji Maxamed Xuseen.
Xisbiga Wadani waxay kaga foggaan doonnaan Salafiyiinta, halka xisbiga Jamhuurigana ay ku khilaafi doonnaan isku koobidda dhaqaalaha dekedaha.
Taageerayaashiisa caalamiga ah waxaa la filayaa inay ka mid noqon doonaan dawladdaha ka soo horjeedda Ikhwaanka sida Masar, Iiraan, Imaaraadka Carabta & hayadaha caalamiga ah.
FG: Qormadani waa uun cabir & odoros ee cid gaar ah oo loola dan leeyahayna ma jirto. Haddaadse iska dhex arki waydo ama ku qanci waydo fadlan soo qor cabirkaaga oon turxaan lahayn.
W/Q: Axmed-Assad
Figradihiina