Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Xayndaabkan Soomaalilaan, xaaladaha yaalla
Xifaalahan siyaasadda u badan, laysna ximinaayo
Xilli walba mucaaradka hor tuban, xarunta TV-ga
U jawaab Xukuumaddan ka adag, xubin cambaaraysay
Baarlamaan xilkiisii gaboo, xeerna dajin waayay
Wasiirradan xabeebsaday siday, Goday xoreeyeen
Odayadan xayeeshkaa kuwaa, miidhiyaha xoonsan
Shir-jaraa’id aan lala xishoon, hadal xajiimaysan
Jamhuuriyaddan reer qudha u xidhan, misana xayn xayn ah,
Qaddiyadda tan Xaysimo la rabo, xoog in lagu geeyo
Xasaradda Kalshaaliyo Taleex, xuladdadaa oogan
Xaglo-toosiyiyo Baashe iyo, midhadh kaloo xiiqay;
Xildhibaannadaa Sool haddaan, cidiba xaalaynnin
Mar haddaan xisaab guud ba jirin, laysna xakameeyey
In xudduudda Saaxdheer Galaydh, maamulaa xaq ahe
Khaatumo maxaan ku xayiraa, waa gar xaajaduye!
Xayndaabkan Soomaalilaan, xaaladaha yaalla
Xerta mujaahid baan ahay la tuban, tan iyo Xaabaale
Oo aan xiskoodu ba ka korin, xabbad la soo dhaafay
Oo weli xinkii beelnnimada, ku xarragoonaaya
Xubnahaa wasiirrada ku jilan, xaakin iyo guurti
Shaqaalaha xafiisyada ilaa, gabadha xaadhaysa
Saami kii xantoobsaday qawado, xulashaduu qaatay
Cabashadan xidhiidhkaa gu’ iyo, toban xagaayood ba
Xalkan aan Hargeysiyo Togdheer, dhaafin xeradooda
Dulmigaa xadhkaha goostayee, dibadda xaabaaya,
Xeebta Saylac Xiis iyo Sanaag, xidhadhka Buuhoodle
Xigto iyo xigaal iyo tol iyo, xidid waxaa yaalla
Magacaa xariirtii kuwuu, ina xidhiidhsiiyay
Xadiidkii gumeystaha ka raray, aaggan kugu xeeran
Xorriyadda dadkii keenay baan, laba xurmaynayn e
SNM-ba wataa la xusayee, taajka loo xidhaye
Daraawiish haddaan lagu xardhayn, taallo la xusuusto,
In xuduudda Saaxdheer Galaydh, maamulaa xaq ahe
Khaatumo maxaan ku xayiraa, waa gar xaajaduye.
Xayndaabkan Somaalilaan, xaaladaha yaalla
Hadba kala xabbaadh iyo bulshada, qolo xaduurayntu
Waa xanaf ragaadisa umadda, xananyo waabay e
Haddii laabtu xaadhnayd in uun, xiisihii dhimaye
Dadku ma leh xajiin badan haddii, uu xidaar hago e
Adaa xafidsan tabashooyinkay, Xamar ku diideen e
Intaad xaadir dawlado ahayd, liicday xagashoodu
Ee daadku xaabsaday ayaad, xogo ka haysaaye
Dawladnnimo xarriiqday lahayd, laga xawaareeye
Madaxweyne waa taa xar galay, xididdadeediiye
Waa taa xagaafkii martiyo, tii Siyaad xulaye
Xusul duubka bisha May iyana, waa xafladahaase
Weli lama xaqiijinnin tubtii, xaasilka ahayde
Xinjir baa tan loo qubay ragow, waa xujiyo faane
Hadal xay ah baa lagu hantaa, laab xaruuriyahe
Awrba wuu xejinayaa intuu, qaado xammilkiiye
Xadhkihii qalloocduu ratigu, aqalka xooraaye
Talo la xasladoo loo dhan yahay, baa xal noqon layde
Haddaan loo ba xilanayn midnnimo, laysna xaasidayo
In xuduudda Saaxdheer Galaydh, maamulaa xaq ahe
Khaatumo maxaan ku xayiraa, waa gar xaajaduye.
Gabaygani wuxuu soo baxay 28kii Oktoober 2014.
Abwaan Sakariye Saharded Ahmed
Figradihiina