Gudoomiyey Kuxigeenkii Ururka Xaqsoor Cali Sandule oo Ciidamada Maamulka khaatumo Gacanta ku dhigeen(Dhagayso)
Wararkii ugu danbeeyey ee hada naga soo gaadhay Demada Xudun ayaa ku soo Waramaya in Wali uu Gacanta ugu Jiro Maamulka Khaatumo Gudoomiyey Kuxigeenkii Ururka Xaqsoor Cali Sandule Ciidamo taabacsan Maamulka Khaatumo oo ka Qabtay Deegaanka Nugaasha gaar ahaan Deegaanka Wariyey Ku sugan Degmada Xudun oo Lagu Magaabo Wariyey Yuusuf Cabdi Xasan ayaa Ceegaag.com uga Waramay Qaabkii afduubku caawa u dhacay.
Dhinaca Kale Madaxda Maamulka Khaatumo ayaa oo Ceegaag.com Talefoonka Kula Xiriirtay ayaa ka Gaabsaday inay faah faahin ka Bixiyaan Afduubkay ay loo gaystay Cali Xasandule Waxayna Madaxda Khaatumo ku adkaynayaa ilaa iminka inaanay ka Hadli karin afduubka Gudoomiyey Kuxigeenka Ururka Xaqsoor.
Magaalada Laascaanood ayaana Dhinaca kale Lagu soo Waramayaa in Taageerayaashiisu ay Caawa isagu soo Baxeen iyagoo ka Gadoodsan afduubka loo Gaystay Masuulkaasi oo ka sharaxnaa Xisbiga Xaqsoor, Waxayna afduubkani ku soo Beegmayaa Xili Maalinta arbacada ah loo Dareerayo Doorashada Golaha Deegaanka Guud ahaan Somaliland.
Cali Dhegjar
Buuhoodle
Figradihiina