Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ra’iisal Wasaaraa Xukuumadda Federalka Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa wuxuu caawa magacaabay 20 Wasiiro oo kaliya, iyadoo uu sheegay inuu dib ka soo magacaabi doono Wasiir Ku Xigeenada iyo Wasiiru Dowla-yaasha.
Dhagayso Liiska Golaha Wasiirada DFS oo Goor dhawayd la shaaciyay
Wasiirada caawa la magacaabay, ayaa waxay dhammaantood yihiin kuwo cusub, inkastoo xubno horey kaga soo muuqday Xukuumaddihii hore ay tiro ka mid ah ku jiraan.
Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid, ayaa sheegay in uu soo magacaabi doono Wasiiradiisa kale, kolka Wasiirada uu caawa magacaabay, ay Baarlamaanka ka helaan codka kalsoonida.
Golaha Wasiirada caawa la magacaabay, ayaa waxaan ku jirin xubnihii sida dhow loola xiriirinaayay Madaxtooyadda Somaliya.
Magacyada Liiska Golaha Wasiirrada Cusub
1. Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen ahna Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada & Sportiga
2. Axmed Xasan Gaboobe Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Diinta
3. Cabdirixhman Maxamed Xuseen Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka
4. Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti” Wasaaradda Maaliyadda
5. Cabdulqaadir Sh. Cali Diini Wasaaradda Gaashaandhigga
6. Cabdisalaan Hadliye Cumar Wasaaradda Arrimaha Dibadda
7. Khadra Bashiir Cali Wasaaradda Waxbarashada
8. Fahad Yaasiin Xaji Dahir Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda
9. Cabdirixman Yusuf Cali Caynte Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga
10. Nuur Faarax Xirsi Wasaaradda Dastuurka
11. Guuled Xuseen Qaasim Wasaaradda Warfaafinta & Isgaarsiinta
12. Cali Axmed Jaamac “Jangali” Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada
13. Siciid Xuseen Ciid Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa
14. Cali Xasan Cusmaan Wasaaradda Beeraha
15. Xasan Axmed Muudeey Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha
16. Saalax Sh. Cusmaan Muuse Wasaaradda Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska
17. Sahra Maxamed Cali Samatar Wasaaradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha
18. Maxamed Mukhtaar Ibrahim Wasaaradda Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda
19. Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasaaradda Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga
20. Xaawo Xasan Maxamed Wasaaradda Caafimaadka
Ceegaagcom
Figradihiina