Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Dowladda Jabuuti ayaa ciidamo dheeraad ah oo qeyb ka ah howl galka AMISOM u soo dirtay Soomaaliya, iyadoo qeybtii u horeysayo ciidamo hal batalyan ah ay maanta ka dageen magaalada Beledweyn.
Sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno Beledweyn, diyaarado sida ciidamo Jabuutiyaan ah ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee ku yaala duleedka magaalada, halkaasoo ammaankeeda aad loo adkeeyay.
Ciidamadan ka degay garoonka diyaaradaha Beledweyn ayaa waxaa soo dhoweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM ee ka kala socda Jabuuti iyo Itoobiya iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa sheegaya in ammaanka wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo Beledweyn si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xanibay isu socodka gaadiidka, sidoo kale diyaaradii qaadka keeni jirta ayaa loo hakiyay degitaanka ciidamadan dheeraadka ah.
Ceegaag.com
Figradihiina