Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

In ka badan 122 ardey oo ka qalin jabiyey Daraasaadka Sare (Master Degree-ga ee Jaamacadda Muqdisho.

Munaasabad aad u balaaran oo ku saabsaneyd  Xaflad qalin jabin ah  oo in ka badan 122 ardey oo dhameysatey Daraasaadka sare  ee Master-ka iyo Diploma  oo ay iska kaashanayeen Jaamacadda Muqdisho iyo Labada Jaamacadood ee kala ah  ASIAEUNIVERSITY iyo OPEN UNIVERSITY  ayna ka qayb galeen Qaybaha Bulshada , Sida Jaamacadaha, Ururada Haweenka , Daladaha Waxbarashada ardeydii  qalin jabineysey iyo Waalidiintooda .

Ugu horeyn waxaa halkaas ka Hadley   Maxamed Cabduqaadir Mursal oo ka mid ahaa ardeydii ka qalin jabineysey Daraasaadka Sare ayaa waxaa u Mahadceliyey Jaamacada Muqdisho Dadaalka ay ku bixisey in aqoon Noocaan ah ay dalka keenaan  taasoo markii hore loo aadi jirey Wadamada Dibada kuna bixi jirey Dhaqaale aad u badan , wuxuuna u bogaadiyey ardey la qalin jabineysey .

Cabaas Cali Tifow oo ah agaasimaha Daraasaadka sare ee Wadaagga Partnership  ayaa ka warbixiyey in ardeyda maanta  ka qalin jabisey ay ahayd ardeydii ugu tirada badneyd,kuwa kalena dhawaan ay qalin jabin doonaan, wuxuu sheegey in ay soo dhaweynayaan ardeyda dooneysa in ay ka mid noqdaan Daraasaadka sare.

Sahro Cumar Maalin oo ku hadleysey Magaca Bulshada Rayidka Somaaliyeed  ayaa u mahadcelisey Jaamacada Muqdisho oo ku tilmaantey in ay ahayd Jaamacadii ugu horeysey Burburkii dalka dhacay  ka hana qaadey  ee Soomaaliya , sidoo kale waxay  u mahadcelisey  intii ka shaqeysey in dalka ay keenaan Waxbarashada Daraasaadka sare  ee  Jaamacada Muqdisho.

Dr Shawkat oo ka  ka socdey hayadha Turkiga ee ka howl gala Wadanka Soomaaliya ayaa u mahadceliyey Jaamacadda Muqdisho  sida ay uga go’an tahay in  soo saarto Aqoonyahano Bulshada Soomaaliyeed   wax tar u leh isagoo  u  soo jeediyey ardeyda qalin jabineysa in ay halkaas ka sii wadaan Waxbarashadoda .

 Ugu Dambeyntii Gudoomiyaha Jaamacadda Muqisho Dr Cali Shiikh Axmed Abuubakar   ayaa sheegey  in Howshaan Daraasaadka sare  ay soo martey Xiliyo adag hase yeeshee  waxaa uu sheegey in wax lagu farxa ah in ardey intaa la eg ay ka qalin jabiyaan  oo ay qaadanayaan Shahaaadooyinkoodii

“ Jaamacadda Muqdisho waxay  xubin ka tahay 7 Urur oo caalami ah  kuwaa oo ku howlan  tayeynta Waxbarashada “ ayuu yiri Gudoomiyaha Jaamacada Muqdisho oo intaa raaciyey “ inta Nool ayey  Nolosha taabaneysaa Noloshana waxaa badalaya dadka wax bartey oo sidiina oo kale ah’ waxaa uu sii  daba dhigey

“Waa wax lagu farxo in dadka maanta qaadanaya Master degree-ga ay yihiin Hogaamiyayaal wax tar leh “ mar uu Dowlada la hadlayey  waxaa uu yiri “ in Dowlada aysan yeelin in waxbarashada la sagsaago lana khiyaano ubadka Soomaaliyeed , waa Masuuliyad Culus in aan la yeelin tacliin been ah oo dib dhac keenaya , ayna iska ilaaliyaan dadka wax barta Laaluush iyo wixii la mid ah”


Cabdinaasir Yuusuf Macallin Xuseen

Muqdisho, Soomaaliya

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply