Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaalada Degmada Xudun ee Gobolka Sool oo Caawa degan kadib dagaalo halkaasi Maanta ka dhacay iyo Faah faahin Dheeraad ah Khasaarahii dagaalkaasi ka dhasha( Waraysi Mid kamid ah Waxgaradka Deegaankaasi)

Xaalada Degmada Xudun ee Gobolka Sool oo Saaka Dagaalo Xoogan ay ku Dhexmareen Ciidamada Maamulka Khaatumo iyo Kuwa Somaliland ayaa lagu soo Waramayaa in ay Caawa Xaaladu tahay Mid aad u degan oo Guud ahaan Magaalada Caawa aanu Wax dagaal ahi agteeda aanay ka socon Walow Guud ahaan Goobaha Ganacsiga iyo Meheradaha badan Koodu yihiin Kuwa Xidhan.

Dhagayso Waraysiga goobjooge ku sugan Xudun Cumar Xasan askar


Cumar Xasan Askar oo kamid ah Waxgaradka Deegaanka Xudun oo Goob joog ahaa dagaaladii Maanta ka dhacay Degmadaasi ayaa Ceegaag.com uga Waramay Khasaaraha dagaalkaasi Waxaana uu sheegay in ugu yaraan hal askari oo katirsan Kuwa Khaatumo dagaalkaasi ay ku Dhinteen afar kale uu dhaawac ka so gaadhay dagaalkii Maanta Xaaladu caawa tahay Mid aan deganaasho Buuxda ku taagnay.

Dhinaca Somaliland ayuuna sheegay inay jiraan Khasaare isagu jira Dhimasho iyo Dhaawac soo gaadhay Walo uusan faah faahin dheeraad ah ka Bixin khasaaraha gaadhay Ciidamada Maamulka Somaliland ee halkaasi uu saaka dagaalku ku Dhexmaray kuwa Ciidamada Maamulka khaatumo dagaalkaasi oo galay Maalintii Labaad.
Cali Dhagjar
Buuhoodle

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag