Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wararka nagasoo gaadhaya magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in ay maamulka Somaliland ka biyo diideen ergada ay Dawlada dhexe ee Soomaaliya u soo dirtay shirka wada hadalada kasoo ay ku jiraan xubno dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland. Xubin ka tirsan Maamulka Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in wadahadaladu furmayaan maalinta Axada isaga oo ay ka muuqato garawshiyo ah in dawlada dhexe aysan marna ka tanaasulayn Xubnaha reer waqooyiga ah ee ay ku dartay Ergada.
Dawlada dhexe iyo Maamulka Somaliland ayaa horay ugu heshiiyay in aan wada hadalada ay lagalayaan aan lagu dari karin Xubno kasoo jeeda Khaatumo, Maakhir iyo Awdal State. wada hadaladan ayaa hada u muuqda mid ay beelaha Somaliland ku garowsanayaan in ay ka tanaasulaan Goosashadii ay ku dhawaaqeen May 18, 1991. Kadib markii ay ka cadhoodeen Maamulkii USC ee uu hogaaminayay Cali Mahdi Maxamed.
Ceegaag.com
Figradihiina