Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweyne Galaydh Oo Ka Hadlay Abaaraha Ka Jira Deegaanka Khaatumo

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Dr Cali Khaliif Galaydh ayaa baaq u diray jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha iyo dawlada Soomaaliya sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen wax u qabashada dadka iyo duunyada ay saameeyeen abaaraha ka jira deegaanada maamulka Khaatumo State Of Soomaaliya.

Daawo Universal Tv

Madaxweyne Galaydh ayaa waxa kale oo uu dawlada soomaaliya iyo beesha caalamka ugu baaqay inay wax ka qabato nabaad guurka iyo baabi’inta deegaanka gaarahaan dhirta la gubayo ee laga shido dhuxusha oo fara ba’an ku haya deegaanada maamulka Khaatumo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu bulshada ku dhaqan gobolada SSC ee maamulka Khaatumo ku booriyay inay u midoobaan horumarinta iyo hirgelinta maamulka Khaatumo uu ka wado dhamaan deegaanada hoostaga maamulka.

Hadalkan madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmihii u danbeeyay ay qaylo-dhaan ku saabsan abaro iyo biyo yaraan ka jirta deegaano badan oo kamida gobolada SSC ay kasoo baxayeen xoola dhaqatada ku nool deegaano ay kamid tahay magaalada Buuhoodle iyo degmooyin hoostaga.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply