Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Hadaba magaalada Kismaayo waxaa la saaray shan gudi oo dhamaantood ka shaqeeynaya maamul u samaynta Jubbooyinka.
1. Gudiga Amaanka
2. Gudiga Doorasha
3. Gudiga xulista
4. Gudiga Dhaqaalaha iyo gaadiidka (Farsamada)
5. Gudiga wacyi galinta
Gudi kasta waxa uu ka koobanyahay 11 xubnood.
Sidoo kale sedexda gobol ee labada Jubba iyo Gedo wadarta waxaa ka imanaya 485, Jubbada Hoose waxay heley 185 ergo, Gedo 165 ergo, Jubbada dhexena 135.
Howsha dhawaan ayay bilaabanaysaa Ergooyinkaan oo isugeyn ah 485 Waxay soo gudbinayaan Barlamaanka Dowlada Jubaland, gudiyada lamagaacabey oo kashany wadamada saxiibka waxay soo bandhigayaan istarajiyada ay ku howlgalayaan.
Gudiga amniga loo xilsaarey waxaa laga sugayaa iney si deg deg ah kusoo gudbiyaan qorshe lagu xoreeyo deegaanada ka midka ah sadexda Gobol ee wali ku jira gacanta Al-shabaab iyo waliba sare u qaadida amaanka Deegaanada hada ku jira gacnta Maamulka Jubaland.
Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa dhinacooda balan qaadey iney ka caawin doonaan Gudiga amaanka istarajiidiyada ay soo dajiyaan in lagu xoreeyo deegaanada Al-shabaab joogaan. Wadamo kale oo aan lamagacaaabin ayaa iyana dhinaca dhaqaalaha ka qayb qaadanaya.
Figradihiina