Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Magaalada Buuhoodle waxaa maanta ka dhacay banaan bax balaadhan oo lagu tagaeerayey Dawlada Faderaalka ah ee Soomaaliya iyo go,aamadii ay Dawlada Faderaalku ka qaadatay shirkii udhaxeeyey Maamulka Somaliland iyo dawlada dhaxe ee dalka ee ku soo dhamaday natiijo la,aanta isla markaana runta loogu sheegay Maamulka Somaliland.
Waxaana maanta dibad baxani ka soo qayb galay Isimi, Cuqaal, Culimo Awdiin, Ardayda iskuulaadka masuuliyiin ka tirsan maamulka Khaatumo, golaha deegaanka degmada Buuhoodle iyo sidoo kale ururada ka jira magaalada Buuhoodle.
Wasiirada maamulka Khaatumo ee ka hadlay Munaasibadan ayaa Sheegay inaysan Dawlada Soomaaliya sida Kooxaha gooni goosadka ka doonayn ICTIRAAF ee ay ka doonayeen Wada shaqaynta ay dawlada Soomaaliya ogolaatay inay la yeelato Maamulka Khaatumo.
Dadweynaha kasoo qayb galay xaflada lagu taageerayey dawlada faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhamaantood waxaa wajiyadooda laga dheehanayey farxad iyadoona xaflado noocan oo kale ahi ay ka socdaan magaalada Muqdisho iyo sidoo kale degmada Saaxdheer ee gobalka Sool iyo degaano katirsan maamulka Khaatumo.
Cabdi Casiis Somsat Buuhoodle
Ceegaag.com
Figradihiina