Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xafladaan qalin jibinta ah ayaa maanta waxay ka dhacaday hoolka shirarka ee hoyga kumeelgaarka ah ee jaamacada Kismaayo xaflada ayaa

waxay ahayd mid si aad uqurux badan loo soo agaasimay islamarkaana ay ka soo qaybgaleen dadwayne aad u faro badan iyo waliba marti sharaf isgu jirtay aqoonyahano wax garad odayaal dhaqameedyo shirkadaha xawaaladaha iyo kuwa is gaarsiinta sida shirkada Dahabshiil iyo shirkada isgaarsiinata Hormuud iyo walib sidoo kale ardayda wax ka dhigata jaamacad kismaayo

Jaamacads kismaayo waxaa ay manta shahadooyin baajulaar oo afar sano ah ay gudoonsinaysay arday aad u faro badan islamr ahaantana dhamaysatay labada kuliyadood ee ugu balaaran kuliyada ka baxa jaamcada kismaayo ee kala ah Business iyo waliba kuliyadaTarbiyada oo ardayda ka qalin jibisay marka la isku dardaro ay garaysay 90 araday oo isgu jira wiilal iyo gabdho .

ugu horayntii waxaa daahfuray xafladaaani Al-ustaad maxamed cabdullahi oo ah madax xiriirka jaamcada kismaayo university wuxuuna carabaabay ujeedada keentay in ay maana qabtaan xafladaan waxuuna sheegay ujedada xafladaan ay u qabteen in ay tahay in ay shahadooyin ay siyaan arday soo dadaalaysay mudo 4 sano ah islamarkaana baratay Kuliyada Tarbiyada iyo waliba Kuliyada Business ka

sidoo kale waxaa goobta ay xaflada ka dhacday si wayn uga hadlay Gudoomiyaha jaamacada kismaaayo Cabdi qaadir sh.maxamed (Xikam )wuxuuna ku dheeraaday marxaladihii ay soo martay jamcada kismaayo oo ay ugu danbaysay hoy la,aanta haysata haatan madaama hoygii rasmiga ahaa ee jamacada ay haatan daganyihiin Gudiga maamul usamynta jubboyinika iyo waliba ciidamda amison oo ay u tahay fadhiisintooda ugu way ee ay ku leeyihiin magalda kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose

ugu danbayntii waxaa sheeq xikam ugu baaqay dhamaan ardayda manta ka qalinjibisay jaamcada kismaayo in ay sii wadaan wax barashada islamrkaana ay wax u taraan ummada dhibaataysan ee soomaliyeed

sidoo kale dadka meesha ka hadlay waxaa ka mid ah ahaa Gudoomiyaha dalada waxbarashada JEEN AL-ustaad aways asna wxaa uu dardaaran u jediyay ardayda manta ka qalin jibisay jaamacada kismaayo

Guntii iyo gunaanadkii waxaaa ay xafladii ku soo dhamaatay farxad iyo rayn rayn iyo waliba nabad galyo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag