Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

JAAMACADDA MUQDISHO: Oo qabatay Kulan Lagu qaadaadhigay Xeeladaha Hab Maamulka

Jaamacadda Muqdisho oo marwalba u taagan sarre uqaadidda shaqaalaheeda waxa ay qabatay worshop ku saabsan hab-maamulka staretegia ah iyo qorshaynata mudada dheer kaas oo maanta la soo gabagabeeyay,  tababarka waxaa soo qabaqaabiyay jaamacadda muqdishu waxaana fududeeyay tababbare caalami ah oo hogaamiyay qaybihii kaladuwanaa ee fulunta workshopka iyo dajinta starategiyadda jaamacadda Muqdisho shanta sano ee soo socota.

Parogramkan oo ka soconayay  3-7 bishan maarso 2015 Hotelka Laico Regency ee magaalada Nairobi, kenya waxaa ka qaybgalay 20 xubnood oo ka mid ah hogaanka jaamacadda qaybaha kaladuwan ee maamulka iyo academiga.

ujeedada ay ka leedahay jaamacaddu tabarka noocan oo kale ah waxaa ka mid ah  in lagu barto tayeynta heerka hogaanka tacliinta sare ee ku dhisan aragtida dheer, taas oo loo marayo wadooyinka kala duwanee tababaridda casriga ah sida cashir bixinta wadaaga ah, tadbiiqadka camaliga ah, khibrad is waydaarsiga, iyo waxqabadka wadareed ee doodaha furan ee ay ka yeelanayee xubnaha tabarka qaadanayay mawduucyada kaladuwan.

Parnaamijka workshop-ka waxaa lagu soo ururin karaa nuxurkiisa laqaybood oo waawayn oo kala ah:

1.       Qayb duruus cilmiya ah oo tababaru jeedinayo loona diyaariyay hab casri ah oo ku saabsan maamuka stirarrtega ah ee lagu maamulo marka ay isbadalada waawayn samaynayaan hay’adaha wax soosaarka iyo adeega.

2.       Dhisidda strategiyadda shanta sano ee 2016 -2020 ay ku shaqayndoonto jaamacadda muqdishu.

Gudoomiyah jaamacdda muqdisho prof- Cali sheek Axmed oo baraamijkan tababarka daah- furay ayaa sigaar ah waxa uu ugu mahad naqay tababaraha soona dhawweeyay islamarkaana ku nuuxnuuxsaday ahamiyadda xiriirka iyo iskaasiga hayaddaha horumarinta bulshadu u leeyahay sare uqaadidda iyo tayaynta waxqabadkooda iyo qurxinta adeegooda iyo waliba adkaynta xiriirka shucuubtooda iyo wadamadooda.

Gudoomiyaha oo  dulmar kusameeyey qorsho shansanadlihii udambeeyay ee jaamacadda muqdisho  wuxuu ka mahad celiyay guulaha balaaran ee laga gaaray fulintiisa iyo horumarka ay ku talaabsatay jaamacaddu dhanka tayaynta dadkeeda iyo waxbarashadeeda, wuxuuna karajeeyay xubnaha maamulka jaamcadda ee u kulmaya dajinta strategiyadda shanta sano ee soocota insha Allaah  in aya si aada u geegaan dhamaan qaybaha kala duwan ee Jaamacadda, soona saaraan qorshe wax- ku ool ah oo ka qaybqaata hurmarinta qaybaha academiga iyo maamulkaba, kaasoo lagu xaqiijin karo hormarka bulshada iyo dhaqaalaha qoyska soomaaliyeed, sidii horeba looga bartay jaamacadda.

C/naasir Yuusuf Macalin

Muqdisha Soomaaliya

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply