Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Raggii Weeraray Jaamacadda Gaarisa oo lasooBandhigay ahaana Soomali iyo Kiiniyaaniyo arday nool oo la helay

Gaarisa-Warar-Kooxda fulisay Weerarka lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa ayaa ka koobnaa 7 Qof oo 2 ka mida ay ahaayeen Soomaali, Waxayna Kooxdan dhamaantood ku diyaar garoobeen Gudaha Kenya, iyadoo aysan ogaan Sirdoonka Kenya. Maxamad Abuukar Maxamad oo Soomaali ah.

Sirdoonka Kenya oo kaashanaya Hay’adda Socdaalka Kenya ayaa baaritaan ku sameeyay Weerarkii Jaamacadda Gaarisa iyo in la ogaado Kooxda fulisay Weerarkaasi. Waxayna ugu dambayntii Sirdoonka Kenya oo aan ogaan ka hor weerarkan Qorshaha ku soo wajahan Dalkooda waxay haatan soo bandhigeen Magacyadda Raggii Weerarkaasi sameeyay.

Magacyadda Kooxda Weerarka fulisay ayaa kala ah:-

Muumin C/laahi Muumin oo ah Soomaali, Maxamad Abuukar Maxamad oo Soomaali ah, Suleymaan Maxamad Cawad oo Somali Kenyan ah, C/fitaax Abubakar Cabdi oo Somali Kenyan ah, Aka Muusa Muhaajir oo Kenyan ah, Cabdalla Saalim Marumu oo Kenyan ah, iyo Maahir Khaalid Rizik oo Kenyan ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya  in afar ruux oo nool laga soo saaray dhismaha jaamacada Gaarisa oo Alshabaab khamiistii lasoo dhaafaya weerareen. Dadka nool ee laga soo saaray dhismaha Jaamacada ayaa labo kamid ah laga shakiyay kadib markii ardayda jaamacada ay garan waayeen, taasi oo sababtay in xabsi la dhigo. Ruux kamid ah dadka laga shakiyay ayaa kasoo jeeda dalka Tanzania waxaana loo malaynayaa inuu kamid ahaa dadkii weeraray dhismaha Jaamacada magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in laamaha amaanka Kenya baaritaan ay ku wadaan ruuxa laga shakiyay, waxaana ciidamadu ay su’aalo weydiinayaan ruuxa Tanzania u dhashay. Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in meydad horleh laga soo bixiyay dhismaha jaamacada ay Alshabaab weerareen. Sidoo kale wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in saraakiil badan arimahaasi su’aalo laga weydiinayo maadaama ay horay u heleen xog ku saabsan weerarada

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply