Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kulankii Qurba Joogta dhulbahate ee kasoojeeda Dowlad Deegaanka Ismaamulka Somalida ee Eithopia iyo Madax wayne Cabdi Mohamud Omar.

Waxaa dhawaan Kulan kula yeeshay Hotelka uu kadegnaa magaalada Minneapolis MN madax wayne Cabdi Mohamud Omar wefti balaadhan oo uu hogaaminayey Mudane Mukhtaar Abdillahi dhagoole (Hangool), oo kasoo kicitintay Magaalada Phoenix ee gobolka Arizona. Weftigan oo asal haaan kasoo jeeda gobolka Doolo Dawlad deegaanka Somalida Eithopia (DDSI). Waxay ka qaybqaateen soo dhawayntii Madaxwayne Cabdi Mohamud Omar oo dhawaan Ka dhacday Magaalada Minneapolis.
Wufuudani waxay sigaara ugala hadleen madaxwaynaha iyo xubno kamida golihiisa wasiirada oo socdaalkan ku weheliyey arimo la’xidhiidha nabad gelyida iyo adkaynta wadashaqaynta dadka ku nool deegaanka ismaamulka somalida ee eithopia.
Siyaasi, Profesor Mukhtaar Cabdillahi hangool oo ahaa aas asayaashii Waxbarshada Deegaaka Qudhac Dhalaan iyo wufuudii uu hogaaminey oo ku nuux nuuxsaday in dadka deegaanka hawdku heleen xubno fir fircoon oo meteli kara lana jaan qaadikara isbedelada iyo horumarka la higsanyo. Mar ay xubnaha wasiiradu arintaa ka hadleen waxay sheegeen in ay haboontahay in la’helo dad deegaanka ah oo arimahaas hormuud ka noqda ayna xuseen inay muhiim tahay in dadka arimahan ka shaqaynayaa noqdaan shiqsiyaad la hubo inay deegaanka iyo gobolka ka soojeedaan.
Kadib markii uu kulankani dhamaaday waxaa Mudane hangool shirar gaara la’yeeshay qaybo kamida bulshada ka soojeeda deegaanka isagoo ku booriyey inay ka qaybqaataan horumarka iyo nabada ka jirta goblka. Waxaa ka loo lagawada hadlay in la xaliyo arinta amaan xumada ee ILIG dawladuna Hormuud ka noqoto nabadaynta deegaagka.

Ceegaag.com

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply