Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynihii Hore Sheekh Shariif oo Ka Qeyb Galay Kulan Ka Dhacay Amsterdam oo Ay Soo Qaban Qaabiyeen Jaaliyadaha Holland

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wefdi uu hogaaminayey oo muddo 2 cisho ku sugan dalka Holland, ayaa shalay Xarunta Jaaliyadda Soomaalida (SOMVOA) ee Magaalada Amsterdam kula kulmay Jaaliyadaha Soomaalida.Kulanka waxaa ka soo qeybgalay siyaasiyiin, aqoonyahanno & xubno metelayey qeybaha bulshada ee ku dhaqan Holland, waxaanna ugu horreyn ka hadlay Cali Istiil a oo Sheekh Shariif iyo wefdigiisa hadalo soo dhoweyn ah u soo jeediyey.;

Guddoomiyaha SOMVOA Muxuddiin ayaa faahfaanin ka siiyey wefiga taariikhda & waxqabadka SOMVOA &  waxqabadka ururkooda.“Jaaliyadeena waxaa la aasaasay 1993 sababahaa loo aasaasay waxeyd aheyd in bulshadu isku xirmaan, korna loo qaado iskaashigooda, xubnaha bixiya yabooha lagu kabo Jaaliyada waxeey u dhexeeyaan 130-150;. Guddiga Jaaliyadda madaxda ka ah kuma saleysna 4.5? Ayuu yiri Guddoomiyaha SOMVOA Muxuddiin.;Guddoomiy Hayádda Samaddoon Prof. Xassan Faarax (Warfaa) oo ka mid ahaa wefdigii Sheekh Shariif ayaa ka hadlay“Madaxweynuhu markii uu inoogu yimid Jaamacada Boston ee dalka Mareykanka ayaa lagu yiri: Ma waxaan kaa caawinaa inaad (Liberery) kuu sameyno.? Ma urur samafal baan kaa caawinaa.? Ma Xisbi siyaasadeed oo aad sameysaneyso ayaan kaa caawinaa.?.

Madaxweynuhu wuxuu doortay inuu ka shaqeeyo dhanka bini’aadanimada, oo aan kaalmeeyno ubadka Soomaalida, hooyooyinka, danyarta Soomaaliya 14 jir ilaa 30 aan iskuul gelin in ay qoriga dhigaan, dadkana la noolaadaan fikrad noocaas ah inaan hirgelino ayaan meesha u nimid, meelaha aan ka hirgelineyno waxaa ka mid ah Jabuuti ilaa Raaskambooni, waxaa ku xiga doona dadka xaddadka ku nool” Ayuu yiri Prof. Warfaa oo faahfaahinayey waxqabadka Samadoon Foundation.

Hal Euro oo aad bixisaa, maxeey kaa goneysaa, jeebkaaga waa ku dhex lumi kartaa, haddii aad u dirto tuulo aan weligeed iskuul gaarin qalimaan bey u iibin kartaa, adigana waxeey ku noqon kartaa ajir” Ayuu yiri Warfaa, wuxuuna ugu baaqay Soomaalida ku dhaqan Holland in ay kala qeybqaataan sanduuq lagu uruurinayo dhaqaale yabooh ah oo lagu taageerayo hirgelinta himilada Samaddoon.Eng. Axmed Maxamed (Xandulle) oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee degan Holland, xilal kala duwana ka soo qabtay Dowladdii Kacaanka & tii Carta ee Jabuuti lagu soo dhisay, ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo fikrada ku saabsan tayeynta iyo kobcinta waxbarashada dalka, isaga oo tusaale u soo qaatay intii uu Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku sugnaa inuu ka mid ahaa waxgarad seeska u dhigay dib u curashada waxbarashadii dalka, kaddib burburkii Dowladdii dhexe.

2000 ayaan Soomaaliya ku nqoday qolyihii Carta ayaan ka mid ahaa waxaan booqanay aniga iyo wefdi ila socda mid ka mid ah dugsi loo bixiyey magacyada Carbeed, waxaan is dultaagnay arday imtixaan u fadhida; mid ka mid ah ardaydii imtixaanka u fadhiyey ayaan ku iri: adeeroow ma taqaanaa inta Gobol ee dalkeena ku kooban yahay.?

MAYA, ayuu ku jawaabay;. haddana waxaan weydiiyey ma taqaanaa magaalada madaxda Gobolka Bakool.? haddana wuu garan waayey. Qaabka waxbarasho ee dalkeena waa baadi, oo wax badan oo kale ayaanna baadi innaga ah” Ayuu yiri Eng. Xandulle.Xandulle waxaa kale oo uu sheegay in xaflad weyn oo xalay Madaxweyne Sheekh Shariif loogu qabtay Magaalada Denhaag inuu ku qornaa dadkii ku jiray liiska hadalka, haddana uu codsaday in laga tiro; isaga oo sababta ka hadlayana waxa uu yiri:“Xalay liiska waan ku qornaa waxaan ogaaday in meesha loo imaanayo reer hebelo, anigu heer Soomaalinimo ka hooseysa dooni maayo, wixii aynu qabsanay oo wanaagsan waxa inaga baabiyey ee dalkeena quruxda badnaa inaga qaribay waa fikrado shaqsiyad abuurtay, oo danno ay leeyihiin u abuurteen, dalkiina wuxuu noqday nin kasta meesha aad ka soo gaarto, anigu dalkeena waan ku faanaa, Xamar baan shaqo ka billaabay 12 sanno dalka gudihiisa meel uga aan bixin Gobolada Soomaaliya 80% waxaan u tegay shaqo Dowladeed”Eng.;

Xandulle waxa kale oo uu ka hadlay nidaamka Federaalka, waxaanna isaga oo ka hadlaya uu yiri Waxaan la yiri Federal, aniga waxaan u bixiyey qabiil -xooje, Goboladii Soomaaliya intoodii badneyd waan tegay, Gobol kasta ee aan tegay Gobol Soomaaliyeed buu ahaa, umana muuqan meeshaas inaan nin ajnabi ka ahaa, waxaan u arkayaa Federaalku inuu yahay mid Soomaali laga kala dirayo; inkastoo Mudane Madaxweyne haddaan kula kaftamo aad ka mid aheyd dadkii wax ka dejiyey; haddana waa mid in aynu ogaanaa inteena halkan fadhida haddii (DNA) na laga qaado waxaan noqoneynaa isku mid, Soomali waa hal qabiil; qoysas beynu sii noqonay; waxaan maqalnaa Guddiga xudduudaha ee uu baarlamaanku sameeyey war ma xudduudo cusub beynu yeelanay, mise kuwanagii ayaa shaki la gelinayaa.;?

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa dhinaciisa ka hadlay sababaha uu siyaasadda kaga doortay inuu ka shaqeeyo bini’aadnimada, isaga oo sheegay in siyaasadda ay dad ku filan u metalayaan Qaranka Soomaaliya; uuna isagu doortay inuu ka shaqeeyo dhanka samafalka.;Nin kasta wuxuu doonayey dalkii oo nabad ah inuu ku laabto, waa dhici weysay, marka waa in laga wada qeybqaataa sidii dalku nabad u noqon lahaa” Ayuu yiri Sheekh Shariif; wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in xalka Soomaaliya uu ku jiro in Soomaalidu ka guuraan afkaarta qabyaalada, isuna arkaan dad ay ka wada dhexeyso dan qur ah.“Hal qabiil ayaan nahay Soomaali oo dhan; in na la qeybiyo 2 ujeeddo ayaa ka dambeysay.

Mid waa gudaha midna waa dibedda, gumeysiga oo doonaya inuu dalka qabsado ayaa ku dhaqmaya nidaamka qeybi oo xukun (divide and rule), waxaa la yiraa: Webi dhirir loo raaco lagama gudbo: inaan dadab u dhaafno ayey aheyd” Ayuu yiri Sheekh Shariif, isaga oo intaa ku daray inbuu hubo inuu mira dhali doono qorshaha samafalka ee ay wadaan.;“Boqolkii ba kun ayaan hubaa in barnaamijkan uu Soomaaliya wax ka bedelaayo, qof kasta oo soomaali ah waa inuu qofka kale iimaansado; walaalkaa cid kuu bedeleysa ma jirto, yeey kuu muuqan ciladiisa, qof dhammeystiran ma jiro” Ayuu yiri Sheekh Shariif, wuxuuna intaa ku daray in Soomaalidu tahay dad caan ku ah isu samafalida dhexdooda.

“Marka aad dhageysatid warbixinada sannadlaha ee ay soo saaraan hay’adaha waxaad maqleysaa intaas oo milyan ah ayaan ku bixinay samafal, lacagtaas dalka kama muuqato meel ay aado ma naqaan.; Xilliydii maxkamadaha abaarihii ka dhacay Gedo iyo fatahaadii maadaama aan iska aheyn waddaado iska garab rarto ah Soomaalidii ay dhibaatadu soo gaartay waan u gurmanay, lacagtii aan uruurinay waa naga badney, lacagtii oo taal ayaan ka soo tagnay, caloosha soomaalidu waa yar tahay wax badan uma baahna” Ayuu yiri Sheekh Shariif.Sheekh Shariif iyo wefdigiisa ayaa ka cudur-daartay in la weydiiyo su’aalo ka baxsan Hayádda Samaddoon, waxaanna mid ka mid ah dhalinyaradii ka soo qeybashay kulanka ayaa weydiiyey Sheekh Shariif in mustaqbalka dhow uu ku laaban doono shaqadiisii hore ee macalinimada, wuxuuna ku jawaabay:

Aabaheey macalim ayuu ahaa, awoowgeey macalin ayuu isna ahaa, aniguna macalin waan soo noqday, laakiin waxaan is leeyahay wax macalinimo ka weyn ayaad qaban kartaa, laakiin ugu dambeyntii waxaan rabaa inaan macalin noqdo; Haddii aan siyaasad rabo waa idiin imaanaa waa idin soo gaarsiinaa”Qaar ka mid ah dadkii kulankaasi ka soo qeybgalay ayaa muujiyey sida aaney ugu qanacsaneyn in Madaxweynuhu ka gaabsado in wax laga weydiiyo arrimaha siyaasada ku taxaluqa.;

Shaqsi sida Sheekh Shariif oo kale ah oo soo maray marxalad adag oo siyaasi ah, laga soo billaabo Golihii Maxaakiimta ee uu madaxda ka ahaa ee ku guuleystay inay xasiliyaan qeybo badan oo dalka ka tirsan, ilaa aasaaskii xisbigii dib u xorreynta, dhismaha Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa, xilliyadaas dalka waxaa soo maray isbeddelo waaweyn oo isugu jira wanaag iyo xumaan, kumanaan kun oo Soomaali ah ayaa dhintay xilligaas, is-qarxintii ilaa hadda Soomaaliya waa ka jirtaa.

Jaaliyadu waxeey u aheyd fursad qaali ah in ay la kulmaan Sheekh Shariif, la fadhiistaan, oo ay ka wareystay wixii uu goob jooga u ahaa xilliyadaas; annagu ma nihin ajnabi uu la kulmay Sheekh Shariif ee waxaan nahay muwaadiniin Soomaaliyeed oo doonayey in ay madaxweynahooda ka wareystaan marxaladihii oo u soo joogay” Ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradkii kula kaasi goob jooga ka ahaa.Kulankaas waxaa soo xiray Dr. Cali Waare oo u mahadceliyey ururka SOMVOA ee dhigay gogosha kulankaas; waxaanna wefdiga & qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaalida lagu casuumay casho sharaf gaar ah oo loogu talogalay wefdiga Madaxweynaha.

 

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply