Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ragii dilay Xildhibaan Saado Cali iyo mudanayaal kale oo dil toogasho ah lagu xukumay

Maxkamadda ciidamada darajawada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday laba nin oo ka tirsan ururka Al-Shabaab isla markaana dilal dhowr ah ka geystay magaalada Muqdisho.

Labada nin oo lagu kala magacaabo Shuceyb Ibraahim Mahdi iyo Faarax Cali Cabdi ayay sheegtay maxkamadda inay dembigooda qirteen isla markaana si cad u sheegay inay ka tirsanaayeen ururka Al-Shabaab.

Raggaan ka tirsan Shabaabka ayaa waxay horay uga hadleen warbaahinta Muqdisho inay geysteen dilalka xildhibaano iyo weerarkii lagu xarunta UNDP-da ee Muqdisho.

Maalinta berri ah ayaa la filayaa in lagu fuliyo labadaan nin dil toogasho ah barxadda Dugsiga Booliska ee duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo ninka Shuceyb lagu magacaabo uu horay warbaahinta uga sheegay inuu isagu dilay Xildhibaan Saado Cali Warsame, Xildhibaan Xeyd iyo qaar kale oo fara badan.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Shuute ayaa sheegay in labadan nin oo lagu kala magacaabo Shuceyb Ibraahim Mahdi oo 37 jir ahaa iyo Faarax Cali Cabdi oo 30 jir ahaa ayaa labadaba qirtay inay ka dambeeyeen dilka.

“Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida waxay shantii bishan afaraad u fariisatay dacwada eedeynayaasha kala ah Shuceyb Ibraahim Mahdi iyo Faarax Cali Cabdi oo ka tirsanaa Al-Shabaab, gaar ahaan qeybta dilalka qorsheysan ku fulisa gawaarida yar yar, maxkamada markii ay aragtay qiraalkooda iyo cadeymaha, waxay ku xukuntay dil toogasho ah”ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Shuute.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in Shuceyb uu ahaa ninkii ugu sareeyay kooxdan, isla markaana ay horay u abaabuleen weerarkii UNDP, waxaana uu intaa ku daray in sidoo kale ay ka dambeeyeen dilka labo sarkaal oo ka tirsanaa Hey’adda Nabadsugida Qaranka.

Labadan ruux ayaa dilalka lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen waxaa ka mid ahaa:-

1- Ex Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo la dilay 23 bishii July 2014
2- Ex Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd oo la dilay 3-dii bishii July 2014
3- Ex Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Madeer 9 bishii Agosto 2014
4- Axmed odawaa Baalle oo ka tirsanaa Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka la dilay 14 bishii July 2014
5- Maxamed Axmed Qaanuuni oo ka tirsanaa Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo la dilay 12-kii bishii September 2014

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay inay Maxkamada la wareegtay qalabkii iyo baabuurkii ay lahaayeen raggan, isagoo xusay in waxyaabaha laga soo qabtay gurigii ay ka degenaayeen degmada Wadajir ay ka mid ahaayeen shan jaakado kuwa qaraxyada ku xir.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply