Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wafdigaan oo ka anbabaxay magaalada Muqdisho ayaa garay dalka kuwait waxana wafdiga kuso dhaweyay wasiirada shaqada iyo arimaha bulshada ee dalka kuwait iyo safarada Soomalaiyeed oo si weyn usoo dhaweysay wafdiga.
Waxaa la filayaa in maanta Dalka Kuwait uu ka furmo shirka shaqaalaha carabta kana socon dono mudo hal isbuuc ah ,Soomaliya waxa oga qaybgalidoono wasiirka shaqada iyo Arimaha Bulshada ee dowlada Somaaliya mudane Cabdiwali shekh Muudey iyo Gudoomiyaha Isu Tagga Urur Weynaha Shaqaalaha Somaalyeed ITUSS Mudane Maxamed cismaan xaji sido kale waxa qayb ka ah Xoghayaha ururka saxafiyinta Somaaliyeed NUSOJ Maxamed Ibrahim Bakistan.
Shirkan oo sanadkiba mar la qabto ayaa lagu falanqeeya xaaldaha shaqo ee ka jira wadamada carabta iyo caqabadaha hortagaan iyo sidii wax loga qabanlahaa sidoo kale waxa shirkan isugu yimado wasiirada shaqada ee wadama carabta iyo Ururada shaqaalaha iyo kuwa loo shaqeyaba iyadoona qayb ka ahaan doonan wadamo iyo hey,ado saxiib la ah wadamada carabta iyado sanadkan waxyabaha shirkaas loga hadli doona ay kamid yihiin in la doorto hogamiyaha afarta sano soo socoto hogaamin lahaa( Arab labar organzition ) oo ah ururka ay ku midesanyihiin shaqalalaha carabta iyado urukasta ee xubnaha ka ah uu codkiisa ka dhiiban doono waxana soomaaliya codeyntaas oga qayb gali doono Madaxa Isu tagga Ururweynaha Shaqaalaha Soomaliyeed Maxamed Cisman Xaji ,
Shirka maanta furmaya ayaa sidoo kale waxaa looga hadli doonaa sida loo wanajin lahaa xaladaha shaqo ee ka jira wadamada carabta loogana hortago dhamaan dhibatooyinka hortagan shaqaalaha carabta si loo abuuro jawi shaqo oo dagan maadama ay dhibaato ka jirto qaar badan oo kamid ah wadamada carabta.
Waxana lagu wadaa in maanta uu furmo shirkaas waxana sidaas noo xaqiijiyay madaxa Isu Tagga Urur Weynaha Shaqaalaha soomaaliyed ITUSS Maxamed Cisman Xaji isagoona intaas ku daray in ay iyaga iyo wafdiga dowlada soomaliya hogaaminaayo Wasiir Cabdiwali Mudey ay si wey ugu diyaar garobeen shirkaas isla markaasna uu rajo wanagsan ka muujiyay in ay kala imaan donaan natiijooyin wax ku ool ah oo wax u tara Umada Soomaaliyed .
Ceegaag.com
Figradihiina