Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Jawaari oo kaga nixiyay Somaliland kana shanqariyay hadal ka careesiiyay

 

Iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka DF Somalia kala dhexeeya Maamulka Somaliland, ayaa waxaa mar kale arrintaasi ka hadlay Gudoomiyaha BF Somalia Maxamed Cusumaan Jawaari.

Gudoomiyaha BF Somalia Maxamed Sheekh Cismaan ”Jawaari” oo ka hadlay Arrinta Maamulkaasi, ayaa sheegay in DF Somalia ay waxbadan ka bedeli doonto sharciyada ay sida gaarka ah isaga sameysanayaan Maamulada Gobolada dalka.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu tusaale usoo qaatay Gobolo badan oo ka tirsan dalka kuwaasi oo xiliyada shacabka ay u safrayaan lagu galo Baasaboor waxa uuna sheegay in aysan dhici doonin in qof muwaadin Soomaaliyeed ah uu baasaboor ku tago sida magaalada Hargeysa.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inaysan aqbali doonin in qeybo badan loo kala dhantaalo dalka Somalia, waxa uuna carabka ku dhuftay in la joogo xiligii ay isku imaan laheyd Somalia.

Waxuu sheegay in DF Somalia ay ku dadaali doonto in waxii hada ka danbeeya aysan dhici doonin dhul Soomaaliyeed oo kala xiran islamarkaana uusan dadkiisu isku gudbi karin.

Nuqul kamid ahaa hadalkiisa ayaa waxaa kamid ahaa “Baarlamaanaka Somalia marka uu bilaabo kalfadhiga lixaad, waxaan guda gali doonaa in aan falanqeyno sida ugu macquulsan ee loo soo celin karo sharaftii iyo haybadii ay laheyd ummadda Soomaaliyeed”

Waxa uu intaa kusii daray hadalkiisa ”Madaxweynaha, BF iyo golaha xukumada waxaa dhamaan ka go’an in Somalia laga bixiyo kala qob qobnaanta wax waliba oo ay nagu qaadato kama jiifan doono”

Maamulka Somaliland, ayaa mamnuucday in Deegaanadooda lagu galo safar caadi ah, waxa ayna inta badan gooni isaga taagtaa Somalia inteeda kale, iyadoo caalamku ay u aqoonsan yihiin Caasimada labaad ee Somalia.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply