Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Baarlamaanka Somalia oo dalbaday in lasoo xiro Axmed Madoobe

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Baalamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa Xeer ilaalinta Qaranka ugu baaqay in ay diyaariso dacwad lagu soo xirayo Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

“Axmed Madoobe sharciga ayuu ku tuntay, Wasiirro ayuu xirxiray, Haween iyo Carruur ayuu laayay, habeen kasta ayaa badda soo qufta habeen wwalba, shuruucdii dalka ayuu meel kale ku hoggaamiyay, kamana ammar qaato wasaaradda Arrimaha Gudaha, sharciga ma qabto miyaa, waa qabtaa, muwaadin Soomaaliyeed waaye, waa in lasoo xiraa, waa in xeer ilaalinta ay dacwad ka diyaarisaa”ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ayaan darro ku tilmaamay in Madaxda sare ee Dowladda ay mar walba soo daawadaan dadka la laaynayo, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Sharciga Ummadda ayuu ka dhaxeeyaa ee qofna kaligiis kuma takri-fali karo, Xukuumadda ayaa laga rabaa in ay kula xisaabtanto, haddii ay la xisaabtami weysana annaga Baarlamaan ayaan nahay iyaga ayaan kula xisaabtameynaa”ayuu hadalkiisa yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sidoo kale sheegay in Dastuurka Maamulka Jubbaland uu yahay mid ay sammeeyeen Maxamed Cabdi Afey iyo Jen. Gabre oo ka tirsan IGAD, wuxuuna hoosta ka xariiqay in uusan qaadin karin in ay Afey iyo Gabre ay dastuur u sammeeyaan.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply