Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wararka naga soogaaraya Degmada Ceegaag ayaa sheegaya inay weli uda ayan roobab kuwaa oo ay ku diirsaden dadka deegaankaas iyo nawaaxigiisa ku dhaqan,waxaa magaalada hareeraheda soo dhoobtay reer guuraa farabadan ku waasoo ka kala yimi deegaano fog fog iyagoo soo raacay naqa iyo xareeda waran duleedka iyo hareeraha Degmada Ceegaag, warbixintu waxay inta ku daraysa qiimaha laka siisto caanaha geela oo aad ujaban iyo nabadgelyada oo aad u wanagsan, waxbarashada magalada oo si xawli ah ku socota Dusiga Hoose Dhexe ee Ceegaag waxaa subaxii ukalaha arday lagu qiyaasay 250 arday oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal, waxa sida silamida waxbarashada uga socota Dugsiga Sare ee Ceegaag iyo dhowr Maxad oo Diini ah, Ganacsiga magaalada xoolaha nool, Raashinka iyo Bagaashka ayaa iyagana si wanagsan loogu kala iibsada waxa magaalada usoo dukaamaysi taga magaaloyinka ku xeeran iyo tuulooyin dhawr ah, ganacsata magaala ayaa si toosa ugu xiran badeecooyinka kasoo dega Dakadaha Boosaaso, Barbara iyo Muqdihso, dhaqaalaha ugu badan magaalada wuxuu kasoo gala xoolaha nool, Degmada Ceegaag waxay leedahay labariig biyood waxaana magalada bartamaheeda mara wadawayn oo 80,mt ah, waxaa adegsada gawarida koonfur, waqoyi, bari ilaa itoobiya ganacsida ukala qaada kuwaasoo si nabad galya ah ku mara, magaaladu waxay leedahay gudi nabadgalyo oo odayaala oo ay iyagu samaysten waxaana kajira kala dambayn iyo abni alle loogu mahadiyo, MCH ayay caruurta iyo haweenkaba ku xiran yihin kaas oo lasocda xaaladahooda caafimaad, waxay kaloo magaaladu caan ku tahay kagana duwantahay deegaanada ku xeeran waxay leedahay beero waawayn oo ay kabaxaan dalagyada noocyadiisa kala duwan kuwaasoo ganacsi loo geeyo Buuhoodle, Horufadhi iyo deegaano kale.
Abdifatah Gateway
Figradihiina