Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Warar gaar ah oo aynu helnay ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamanka maamulka cusub ee Mudug iyo Gal-Gaduud laga dhigi doono 65 xildhibaan.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qorshaha socda uu yahay in beelaha dega labada gobol ay sidan u kala qaataan xildhibaanada:-
Habargidir iyo Duduble waxaa la siinayaa 25 Xildhibaan oo ka dhigan in min shan Xildhibaan ay u kala qaadanayaan afarta jilib ee Habar-Gidir iyo Duduble.
Beesha Mareexaan waxaa loo qoondeenayaa illaa 7 xildhibaan.
Beesha Dir: Shan Xildhibaan.
Leelkase: Shan Xildhibaan .
Madhibaan: Saddex Xildhibaan
Waceysle: Shan Xildhibaan .
Murusade: ShanXildhibaan
Majeerteen: Shan Xildhibaan
Carab Saalax: Laba Xildhibaan .
Sheekhaal: Saddex Xildhibaan
Inkasta oo aan weli si rasmi ah la isugu raacin, haddana waxaa sida aan xog ku helnay qorshaha uu yahay in magaca maamulka uu ahaado Gal-Mudug State of Somalia.
Figradihiina