Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Dowlada Soomaaliya ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay baneeyaan dhulka ay Dowladu leedahay.
Waxa uu sheegay Xeer ilaaliyaha Qaranka in loo baahan yahay in la sameeyo qorshe looga saarayo dadka dagan dhulka Dowlada ay leedahay , si dhulkaasi loogu celiyo Hay’adihii lahaa uu tilmaamay in shaqo qaran ku qabanayaan.
Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya ayaa tilmaamay in Dowlada looga baahan yahay in tiro koob sax ah ay ku sameyso dhamaan dhulka ay Dowladu leedahay iyo hantida Qaranka si looga saaro dadka dagan dhulkaasi ,
Dr Axmed Cali Daahir ayaa ugu baaqay Dowlada Soomaaliya in dadka barakacayaaha ah iyo dadka kale ee dagan dhulka Dowlada ka saarto taa badalkeedana Dowlada looga baahan yahay in ay keento qorshe dadkaasi meel lagu dajinayo .
Waxa uu sheegay Xeer ilaaliyaha Qaranka in laga maarmaan tahay in Dowladu ay howlgaliso Guddiga iibka qaranka si ay Guddigaasi shaqdoodu u noqoto in ay dhul iyo meelo kale ugu gadaan dadka ay Dowladu dhulka Dowlada ka saareyso.
‘’Hadii ay dhaceyso in dhul la iibiyo si shacabka loogu wareejiyo waxaa laga maarmaan ah in la howlgaliyo Guddiga Iibka qaranka si ay shaqadaaasi u qabtaan ‘’ Ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir.
Hadalka Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa imaanaya xili Dowlada Soomaaliya ay mudooyinkii dambe waday in ay xoog uga saarto dadka dagan Dhismooyinka Dowlada, waxaana dadkii ugu dambeeyay isbuucii tagay laga saaray Xeradii Damaanyo ee Magaalada Muqdiso.
Ceegaag.com
Figradihiina