Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowlada Soomaaliya Maxay Ka Tiri darbiga Kenya ay ka dhiseyso Xadka Labada Dal

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka rogtay in wax culeys uusan laheyn darbiga Dowladda Kenya ay qorsheynayso inay ka dhisto xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan.

Hadalkaan ayaa waxaa sheegay Wasiirka Arimaha Dibada dalka Soomaaliya Cabdi Salaan Cumar Hadliye, xilli uu la hadlaayay Idaacada VOA, wuxuuna sheegay in sababta Kenya ay darbiga u dhiseyso ay tahay xaalad amni oo dalkeeda ka taagan.

Wasiir Hadliye ayaa sidoo kale sheegay in aysan wax culeys ah lahayn haddii dowladda Kenya ay sababo ammaan darteed darbi uga dhiseyso xuduuda ay la leedahay Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay in dal kasta uu u madax bannaan yahay arrimihiisa u gaarka ah laakiin wuxuu isweydiiyay in dhismaha derbiga uu xal u keeni karo dhibaatada dhanka ammaanka ee ka taagan dalka Kenya.

“Soomaaliya waxay aaminsan tahay in xuduudu ay noqoto mid u furan ganacsiga iyo dhaq-dhaqaaqa dadka iyo in la wadaago dhaqanka iyo waxbarashada.” Ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale Wasiirku wuxuu sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo wanaag ah oo ay tahay in la sii xoojiyo halkii la kala qeybin lahaa labada Dal iyadoo derbi la kala dhexdhigayo.

Mr. Hadliye wuxuu uga mahadceliyey dowladda Kenya wiilasha iyo gabdhaha kenyanka ah ee ay usoo dirtay Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab waxa uuna sheegay in ay wanaagsan tahay in la qeybsado arrimaha sirdoonka si loola dagaallamo kooxaha Islaamiyiinta ah.

Kenya ayaa shegetay in dhismah darbiga xuduuda ay ka dhiseyso uu yahay mid hoos u dhigi kara weerarada Shabaab ay ka geysanayaan gudaha Kenya oo Dowladda Kenya ay la jahwareersan tahay sidii ay wax uga qaban laheyd.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply