Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dooni Siday Qaxootigii ugu badnaa ee Soomaaliyeed oo kasoo Qaxay Dalka Yaman

 

Waxaa Maanta Dakada Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari soo gaaray qaxootigii ugu badnaa ee Soomaaliyeed kuwaa oo kasoo cararay dagaalada iyo Qalalaasaha Siyaasadeed ee xiligan ka taagan Dalka Yaman.
Qaxootiga Soomaaliyeed ee maanta soo gaaray Dakada Magaalada Boosasao ayaa ka badnaa 1,200 oo qof ,kuwaa oo isugu jiray Dumar, Caruur, Dad da ah iyo Dhalinyaro, waxaana u badnaa caruur iyo Haween kuwaa oo doon kaga soo safray Dalka Yaman.

Masuuliyiin katirsan Maamulka Puntlanad, Waxgarad, Dhalinyaro iyo Hay’ado ka howlgala Magaalada Boosasao ayaa dadkan ay ku jireen kuwa xanuunsan waxa ay maanta kusoo dhaweeyeen Dakada Magaalada Boosaaso.

Qaar kamid ah Qaxootigan kasoo cararay Magaalooyin katirsan Dalka Yaman ayaa sheegay in dalkaasi uga soo carareen caruurtooda iyo qaar kamid ah eheladooda kadib markii ay ku kala go’doomeen Dagaalada kasocda Dalkaasi.

Masuuliyiin katirsan Maamulka Puntland oo Dakada Boosasao Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in qaxootigan loo gudbin doono xarumo loogu tala galay ilaa laga gaarsiinayo goobihii ay ku wajahnaayeen , waxaana dadkan badankooda la sheegay in ay kasoo jeedaan Koonfurta Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali kalain muuqata ka geesan bad baadinta iyo wax u qabashada Qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool Yaman iyo waliba kuwa kasoo cararay Dalkaasi, waxaana maamulada Puntiland iyo Somailand ay u sameeyeen qaxootigan Dalka kusoo laabtay soo dhaweyn wanaagsan.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply