Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.
Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’,Madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar ‘’Camay’’,Guddoomiyaha Baarlamanka Siciid Xassan Shire,Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Dawlada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa Xassan Sheekh iyo Wafdigiisa kuso dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Garowe.
Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa mid mid u gacan qaaday Madaxda Puntland,wuxuuna Salaan sharaf ka qaadanayaa Cutubyoka mid ah Ciidamada qalabka sida ee Puntland.
Xassan Sheekh iyo Wafdigiisa ayaa loo galbinayaa Madaxtooyada Puntland,halkaasi oo ay kula hadlayaan Saxaafadda.
Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa Garowe kaga qayb galaya Wajiga 2-aad ee shirka wada tashiga Dawlada Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah.
waxaa dhanka kale jira maamulo ka biya diidan qaabka dowlada somalia ay u maamushay awoodihii maamul goboleedyada taas oo umuuqatay inay kusoo ururisay 3maamul goboleed oo uu Xasan sh maxamuud dana gaara ka leeyahay.
Ceegaag.com
Figradihiina