Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowlada Talyaniga oo Xirtay Dad Soomaali ah oo Lagu Eedeeyay

Dowladda Talyaani ayaa xirtay labaatan nin oo Soomaali oo lagu eedeeyay inay ka shaqeyn jireen tahriibinta dhalinyarada Soomaalida, kadib markii dhawaan Qaramada midoobay ay ku tilmaamtay dhimashada biyaha Mediterranean inay tahay dhibaatooyinkii bani’aadamnimada ee ugu xumaa tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka

Dacwad oogayaasha magaalada Sicily ayaa sheegay in kooxdaan dhalinyarada ahi ay qeyb ka ahaayeen qowlaysatada lacagaha badan ka sameeya tahriibinta dhalinyarada Soomaalida si ay u galaan qaarada Yurub.

Saraakiisha ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in hayo ilaa 42 qof oo ku jira xabsiyada Italy, waxaana loo haystaa inay ku lug leeyihiin kooxaha tahriibinta  soogalootiga-caalami ah.

Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban ki-moon ayaa todobaadkaan booqasho gaaban ku tagay saldhigyada ciidamada badda ee Italy, kuwaas oo diyaar garow xoogan ugu jira inay la dagaalamaan doonyaha soo qaada dadka soo galootiga ah.

In kabadan 800 oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay biyaha u dhexeeya Libya iyo Talyaaniga, Waxaana dadkaas ku jira muwaaniniin Soomaaliyeed.

Midowga Yurub ayaa meel mariyay qaraar ogolaanaya in la bur buriyo doonyaha muhaajirinta kasoo qaada dalka Libya.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply