Rabshado Xoogan oo sababay Dhaawac oo Caawa Hargaysa ku Dhexmaray Ciidamada amaanka iyo Dad Rayid ah oo Degan Xaafad kamid ah Magaalada Hargaysa..
Wararka ka imaanaya Magaalada Hargaysa ayaa ku soo Waramaya in Caawa Fiidkii Rabshado Balaadhan ay ka dhaceen Gudaha Magaalada Hargaysa gaar ahaan Xaafada axmed Dhagax halkaasi oo caawa rabshado Balaadhan ay ka sameeyeen Taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor oo iyagu siwayn uga Cadhooday Doorashadii Golaha deegaanka ee degmada Hargaysa oo caawa la shaaciyey.
Kooxaha samaynayey Rabshadaha iyo Ciidamada amaaanka oo iska hor yimid Waxaana Ciidamadu ay adeegsadeen Rasaas ay kulala Caydhinayeen Dadka rabshadaha samaynaya Waxaana lagu soo Waramayaa in Guud ahaanba Dhawaqa Rasaasta Caawa siwayn looga Maqlayey Gudaha Magaalada Hargaysa Sida Ceegaag.com u sheegeen Goob Joogayaal Madaxnaaan..
Wararka Hordhaca oo Ceegaag.com hada heshay ayaana sheegaya in Tirada Khasaaruhu uu gaadhayo ugu yaraan 2 Qof oo Dhaawac ah oo la Dhigay Isbitaalka Guud ee Magaalada Hargaysa oo lagu Daawaynayo Waxana soo baxaya khasaare kale oo aan Wali la Xaqiijin, Warar keena Danbe ayaana idiinku soo Gudbinayaa Hadii ilaahayb Idmo.
Figradihiina