Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaa Maalmahaan sii xoogeysanyey wax qabadka Degmada Karaan gaar ahaan arimaha Bulshada ayaa Gudoomiyhaa Degmada Kaaraan Mudane Axmed Cabdulle Xasan uu ka qayb galey Barnaamj kor loogu qaadayo is dhexgalka iyo Wax wada qabsiga Bulshada iyo Degmada (Civic Engagement)
Waa Degmadii ugu horeysey ee Barnaamij Noocaan oo kale laga hirgeliyo oo ay ka qayb qaadanayaan qaybaha kala duwan ee Bulshada, iyadoo Gudoomiyaha Degmada kaaraan Mudane Axmed Cabdulle Xasan uu bilaabey in uu soo kormeero Iskuulada Waxbrashada Degmada Kaaraan
Gudoomiyaha ayaa markii uu gaarey Iskuulaadkaas waxaa uu Gacantiisa ugu qaybiyey qoraalo halku dhigyo aan ka xusi karno “Dowladnimadu waa aniga iyo adiga oo iskaashano “ “ Dowladeyda Waa Mas’uuliyad I saaran “ “ Xaq uma lihin in aan ku noolaano Dal aan Ilaashan Karin “ “Dal Waliba Dadkiisaa dhisa Cid kale kuu dhisimeyso” “ “Waxaan Doortey in aan Taageero Dowladeyda, Maxaa yeeley Waxaan ahay Wadada Horumarkeyga “
Markii Ardeyda loo qaybiyey Halku dhigyadaas ayaa waxaa Goobta ka Hadley Gudoomiyaha Degmada Kaaraan Axmed Cabdulle Xasan oo Tilmaamey in Dowladnimada ay tahay mid la doonayo in ay ilaashadaan Dhamaan Qaybaha kala duwan ee Bulshada oo ay ugu horeeyaan ardeyda wax ka barata Iskuulaadka
“Waxaa idiin la Wadaagi Doonaa Maalin Nadaafadeed iyo Waliba maalmo aan ugu tali geli doono Tartan Suugaaneed “ ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Kaaraan Axmed Cabdulle Xasan oo u soo jeediyey ardeyda in ay Muujiyaan Karti iyo Dadaal dheeri ah si dalkooda uu dhinac waliba uga dhismo wuxuuna Barnaamjkaas loogu magacdarey is Dhexgalka iyo Wax wada qabsiga Bulshada iyo Degmada( Civic Engagement) ku soo gabagaboobey sidii loogu talagaley.
Cabdinaasir Yuusuf Macallin Xuseen
Ceegaag.com
Figradihiina