Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wararka Wakaaladda Ceegaag ay ka helayso magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubba Hoose ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu culays siyaasadeed kala kulmay xiligani dhinacyo badan oo ku aadan deegaanada Jubbooyinka.
Ilo wareedyo ka ag dhow madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shabakada Ceegaag u xaqiijiyey in culayskii ugu xooganaa uu haatan kala kulmay hogaamiye Axmed Madoobe siyaasiyiinta maamulka cusub ka wada goboladda Jubbada Dhexe iyo Gedo.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo amar ku bixiyey in ciidamada maamulka Jubbaland ay soo af jaraan dhaq dhaqaaqyada lagu doonayo in maamul goboleed ka madax banaan maamulka Jubbaland loo dhiso deegaanada Jubbada Dhexe iyo Gedo ayaa xiligani arintaasi waxa ay u muuqata in ay sii cakiri doonto xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan deegaankaasi, iyadoona laga yaabo in dagaalo xoogan oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan labada dhinac ay dhici karaan wakhti kasta.
Marka laga yimaado dhaq dhaqaaqyada siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Jubbada Dhexe iyo Gedo ay ka wadaan magaalada Garbaaharey ee xarunta gobolka Gedo waxaa iyaguna saluug xoogan ka muujinaya qaabka uu u dhisan yahay maamulka Jubbaland qaar kamid ah beelaha kasoo jeeda deegaanada Jubbooyinka kuwaas oo mooshin ka dhan ah xukuumadda Axmed Madoobe u gudbiyey Baarlamaanka Soomaaliya si loola xisaabtamo.
Ceegaag.com
Figradihiina