Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dawladda Puntland ayaa kasoo Horjeesatay Gudiyadii Barlamanka Somalia Ansixiyay

Dawladda Puntland ayaa kasoo horjeesatay Gudiyo 3 ah oo shalay Golaha Wasiradda dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ansixiyeen.
Gudiyadana oo kala ah Gudiga Adeega Garsoorka, Gudiga Doorashooyinka iyo Gudiga Xaduudaha ayaa Dawladda Puntland ay sheegtaya inay si rasmi ah uga soo horjeedo.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland,Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar (Camey) oo maanta ku soo laabtay magaalada Gaalkacyo ayaa wariyaasha u shegay Puntland inaysan aqoon saneyn guddiyada la magacaabay oo ay ka soo horjeedo.

“Dowladda faderaalka waxaan idin xaqiijinaya waa ay ka baxday heshiiskii Garoowe,waxaana idin sheegaya Puntland inaysan aqbaleyn guddiyada la magacaabay oo ay ka soo horjeedo,”ayuu yiri Camey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo.

Jabinta heshiiskii wada-tashiga ahaa ee Garoowe waxuu sheegay inuu sabab u noqon karo khilaf cusub oo soo kala dhex-gala dowladda faderaalka iyo Puntland oo xubin ka ah dowladda dhexe.

Baarlamaanka Soomaaliya ayay ansixin kasugayaan gudiyada la magacaabay.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply