Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xasan Sheikh ” Gobolka Banaadir Ma Raacayo Hiiraan Iyo Sh. Dhexe”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay aayaha gobolka Banaadir, Maamul ahaan halkuu raaci karo iyo waliba wararka sheegaya in gobolka Banaadir lagu daro maamulka loo sameynayo Gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Madaxwayne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si cad u sheegay in Dowladiisa qorshaha ugu jirin in maamulka gobolka Banaadir lagu daro maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, islamarkaana shacabka dega Gobolka Banaadir iyagu aayahooda ay ka tashanayaan. HALKAN KA DHEGAYSO CODKA MADAXWEYNAHA

“Labadaas gobol waaa la isku daraa,siyaasada Dowlada waa sidaasi,in Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan la isku daro Dowlada goboleed ay sameystaan waa sidaa,Gobolka Banaadir labo arimood oo isku heystaa oo dadka reer banaadir iyagu laga rabo in mowqif iyo go’aan cad ay ka qaataan,Dowlada hadaii markii hore ay wax waliba digreeto ku sameyn jirtay hada axdigaasi waa soo dhamaaday maanta talada waa dadka Dowladana wey fududeyneysaa,’” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply