Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qilaaf Sookala Dhexgalay Madaxwaynaha Somalia iyo Raysalwasaraha

Xog rasmi ah oo lagahelay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa cadeeyneysa in uu soo shaacbaxay khilaaf deg deg oo ka dhex aloosmey Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaare Sharmaarke.

Khilaafkan cusub ayaa la xaqiijiyey inuu sababey markii madaxweynuhu go’aansadey inuu safiirka Soomaaliya u fadhiyi doona dalka Mareykankanka uu u magacaabo Axmed Ciise Cawad oo isagu haysta dhalashada dalka Canada, kana shaqeeya mid ka mid ah hay’adaha Qaramada midoobey ee ka howl galaha gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan.

Axmed Ciise Cawad oo ah shaqsi ay isku beel kasoo wada jeedaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke, isla markaasna horey ugula tartamey jagada Ra’iisul wasaaranimada ayaa waxaa ay soo jeedinta magacaabistuusa ka timid guddi wada jir ah oo ku howlan in la mideeyo cududa kooxda madaxweynaha ee ururka Damu Jadiid iyo urur diineedka mayalka adage ee Al ictisaam (Ex Al itixaad) si loogu midoobo loolanka awooda ee sanadka 2016-ka.

Gudiga soo jeediyey in Axmed Ciise Cawad laga dhigo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Mareykanka ayaa waxaa ka mid ah Fahad Yaasiin, Ugaas Axmed Gaboobe (Axmed Bile), Daahir Maxamed Geelle, C/kariin Xuseen Guuleed, C/Qaadir Cosoble iyo rag kale.

Sida ay xogtani tibaaxeyso waxaa hindisaha magacaabida ninkaan ka hor yimid Ra’iisal wasaare Cumar Sharmaarke oo dareensan in ninkaani gogol xaar u yahay xeelad isaga looga takhalusayo.

Madaxweynaha oo leh awooda soo magacaabista safiirada ayadoon lasoo marin golaha wasiirada ayaa damacsan in uu awoodaas isticmaalo oo uu toos u magacaabo Axmed Ciise Cawad iyadoon loo baahan soo jeedinta golaha xukuumada.

Xogta aan helayno waxa ay saadaalinaysaa in arintaan haddii sida madaxweynuhu u go’aansadey ay ku meel marto ay kala jiheysan doonaan labada mas’uul oo ayna soo dadajin doonto loolan deg deg oo ka dhex aloosma labada nin, kaasoon la garan karin halka uu ku biyo shuban doono.

Axmed Ciise Cawad oo dagen magalada Khartuum ee dalka Suudaan oo ay u dhaxdo Saara Ashraf oo u dhalatey dalka Suudaan oo iyaduna u shaqeysa hay’ada Save the Children, ayaa isagu hore u noqdey agaasimaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha xiligii Xasan Abshir Faarax.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply