Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gaari Booyad Shidaal oo Lagadhacay …..

 

Ciidamada xoogaga awdal ee suldaan wabar hogaaminaayo ayaa jidka u galay gaadhi nooca booyad shidaal ah oo ay lahaayen maleeshiyada somaliland taas oo u socotay dhinaca jiida hore ee gobolka awdal oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada awdal iyo kuwa somaliland.

hadaba ciidamao la qorsheeyay ayaa jidka u galay booyadan oo ay saar nayen ciidamo gaadhaya ila 4 askari iyo darawalkii waday.

Waxaana mar kaliya lagu furay rasaas xoogan oo dalan doori ah waxaana goobtaas ku dhintay hal askari  oo kamid ah maleeshiyada somaliland kaas oo lagu magacaabo jaamac dheere halka sadexdii kale mid dhaawac ah iyo labo ka lana ay isaga bax sadeen” gaadhigii waxaana booyadii shidaalka ahayd la wareegay ciidamada awdal.

mudo yar kadib waxaa goobta soo gaadhay ciidamo badan oo usoo gurmaday maleeshiyadii afka laga shaday ee somaliland balse nasiib daro waxaa ay yimaaden iyadoo lagu kala dareeray meeshi.

Si kastaba ha ahaate ciidamada awdal ayaa mudooyinkan dardar galiyay weerara iyo dagaalka ay kula jiran maleeshiyada somaliland.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply