Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Hawada magaalada Muqdisho waxaa dul heehaabaya diyaarado milateri, kuwaasi oo ku gaaf wareegaya baaxadda dhulka ay ku fadhido caasimada dalka ee Muqdisho.
Ilaa laba diyaaradood oo xilliyada qaarkood is bedelaya ayaa si toos ah caawa maqribkii hawada Muqdisho ka bilaabay duulimaadyo aan hakad lahayn, iyagoo dhinacyada iyo dhexda hawada dul meereysanaya.
Guuxa iyo sawaxanka diyaaradaha ayaa laga dareemayaa xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadoona cabsi xoogan soo food saartay shacabka oo wadnaha farta uga haya in diyaaradahaasi ay duqeymo ka geystaan goobo bar tilmaameed ah.
Warar aanu ka helnay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in diyaaradahaan oo ah nooca wax basaasa isla markaana loo adeegsan karo howlgalada duqeymaha dhinaca cirka ay xiriiro wada shaqeyn la leeyihiin sirdoonka Dowladda Soomaaliya.
Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn diyaaradaha caawa howlgalada ka wada hawada magaalada Muqdisho xilliga ay soo afjarayaan, ayaa hadana waxay muujineysaa xiriirka ka dhaxeeya dowladaha caalamka iyo Dowladda Soomaaliya oo horay u sheegtay inay macluumaadka sirta ah wadaagaan.
Dhinaca kale dadka magaalada Muqdisho degan oo welwel xoogan ka muujiyay diyaaradaha caawa korkooda ku socda, inay qeyb ka yihiin howlgallo maalmahaan ka socday caasimada dalka oo ciidamada Dowladda Federaalka ay ku beegsanayeen xaafado bar tilmaameed ah oo ay uga shakisan yihiin inay gabbaad ka dhigtaan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Figradihiina