Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ku kala qeybsamay ka qeyb galka shirka ka socda degmada Cadaado

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdi Maxamed Suldaan Axmed Nuur oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay inaysan ka bixin shirka maamul dhisida gobolada dhexe.
Cabdi Maxamed Suldaan Axmed Nuur ayaa sheegay in Maamulka Ximan iyo xeeb uu doonayo in gobolada dhexe laga dhiso maamul ay leeyihiin dadka ku nool goboladaasi.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka maamulka ayaa sheegay in odayaasha Ximan iyo Xeeb ee ku xareysan Hoolka Kafaala ay wali joogaan oo aysan ka bixin Shirka ayna diyaar u yihiin iney ka qeyb galaan kaalintoodana ka qaataan shirkan.

Shalay ayey aheyd markii Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Careys uu Cadaado ka sheegay in shirka magaalada Cadaado ka socda ay iskaga baxeen odayaasha maamulkiisa sababo la xiriira fara gelin uu sheegay in dowladu ay ku heyso shirkaas.
Shirkan ayaa waxaa maalinba maalinta ka danbeysa ka soo yeeraya dhawaaqyo kala gedisan oo iska soo horjeeda lamina garanayo halka uu ku danbeyn doono.
c/naasir
muqdisha ceegaag

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply