Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shabaab iyo Dawlada oo gacanku haynta Jawhar is waydaarsaday

Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta lawareegay gacan kuheynta magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe iya doo ay boqolaal dadweyne ah isugu soo baxeen gudaha magaaladasi.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabkii ay ula wareegeen ciidamada dowladda magaalada Jowhar iyagoona sheegay in shacabka magaaladaasi ay si diiran u soo dhaweeyaan.

General Cali Caraaye Cosoble “Gacnadule”  oo ah taliyaha hogaanka iyo howlgalinta ciidamada oo la hadlay  ayaa Saxaafada u sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku sugan yihiin magaalada Jowhar iyo deegaanno kale oo hoos yimaado sida Mahadaay iyo Buurane oo ka wada tirsan gobolkaasi.

Waxa uuna intaasi ku daray markii ay galeen ciidamada in shacabka ku dhaqan Jowhar ay si diiran u soo dhaweyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayna baahi weyn u qabeen sidii ay dowladda Soomaaliya u gaari laheyd gobolkaasi.

Taliyaha howlgalinta ciidamada ahna afhayeenka ciidamada Milatariga ayaa carabka ku dhuftay in magaalada Jowhar ay ka galeen laba jiho kuwaas oo kala ah laamiga iyo wado qarda jeex ah taas oo isku xirta Jowhar iyo Buurane.

Mar wax laga weydiiyay taliyaha hadii ay la waregeen magaalo madaxda gobolka Sh/dhexe waxa u qorsheysan ciidamada dowladda ayaa waxa uu sheegay in aysan marnaba ciidamada hakan doonin ilaa ay dalka ka xoreeyaan maleeshiyada kooxda shabaab iyo al-qaacidadooda.

Sidoo kale Gacmadule ayaa qeexay in ay gacanta ku dhigeen Shan ka mid ah maleeshiyada shabaab kuwaas oo tuuray qoryihii ay wateen, waxa uuna intaasi raaciyay in magaalada ay ka socdaan baaritaanno xoogga kaas oo lagu sugayo amaanka.

magaalada Jowhar ayaa ah magaalo madaxda kaliyah oo ay gacanta ku hayeen kooxda awoodooda la wiiqay ee shabaab waxaana haatan shabaabka iyo xulufadoodu ay yihiin kuwo aan ku sugeen magaalo muhiim ah iyaga oo gabaad ka dhigan doono dhulka baadiyaha ah, balse ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa horay u balan qaaday in gabi ahaan dhulka Soomaaliya ay ka cirib tirayaan argagixisada.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag