Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dil ka Dhacay Maantay Kalshaale

Baliga Baaleef oo u dhow deegaanka Kalshaale ee gobolka Cayn ayaa maanta lagu diley nin reer Guuraa ah oo kasoo jeeda Bariga Burco xili maalinta beri loo balansanaa in shir nabadeed labada beelood wada qaataan.

Magaalada Buuhoodle ayaa aad looga hadal hayaa dhacdadan oo aan farxad gelin  shacabka iyo odayaashii kasoo shaqeeyey labada beelood nabadayntoodda.

Mid kamid ah Gudiga Nabadaynta ee Buuhoodle u qaalibsan Wada hadalada labada dhinac ayaa  sheegay in arintaasi ay aad uga xun yihiin ahayna mid reer Buuhoodle filayey “Adeer waa arin aad u naxdin leh anagu hadda ma ogin sababta keentay lkn waxaan tuhunsanahay in nabada lagu carqaladaynayo aad baan uga shaki qabnaa arintaas”  ayuu yiri mid kamid ah Gudiga Nabadaynta

Mar wax laga waydiiyey Gudiga saamaynta arintani ku yeelan karto nabadaynta labada dhinac ayay sheegeen in wax is hortaagi karaa nabadda aysan jirin “Wax saamayn ah kuma yeelan doonto nabadda waana sii wadaynaa nabadaynta waa laga yaabaa dib u dhac inuu ku yimaado shirka oo dadka wax la yeelay Isqanciyaan lkn ma filayo in nabadu sidaas ku baabado” ayuu hadalkiisa raaciyey mid kamid ah Gudiga oo codsaday inaan magaciisa la xusin.

Dhacdadan ayaa niyad jab ku noqotay dhamaan waxgaradka gobolka Cayn iyo shacabka nabada jecel oo siweyn ugu diyaarsanaa ka qaybgalka shir nabadeed beri ka furmi lahaa Tuuladda Coodanle.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply