Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wasaaradda arrimaha Gudaha Dowladda Hoose iyo horumarint reer Miyiga Puntland gaar ahaan Xafiiska Wasiir ku xigeenka Wasaaradda C/laahi Xaashi Qoob-deero ayaa soo saaray warqad Telefishinka Qaranka Soomaaliya ee SNTV looga mabnuucayo Deegaanada Puntland, taasi oo lagu sheegay inuu warar been abuur ah Puntland ka tabiyey.
Warqadda kasoo baxday Xafiiska Wasiir ku xigeenka, ayaa lagu sheegay in 17-kii bishaan May SNTV uu Boosaso ka tabiyey war been abuur ah.
Dhinaca Wakiil Wareedka SNTV ee magaalada Boosaaso Axmed Naasir Maxamed Maxamuud oo warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay
in warqaddaas loo keenay, waxaana uuw axba kama jiraan ku tilmaamay eedda warqadda ku qoran, taas bedelkeedana waxaa uu sheegay in Wasiir ku xigeenku uu si gaar ah ula dagaalsan yahay Telefishinka.
ceegaag.com
Figradihiina