Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Odayaasha Beesha Sacad ayaa sheegay in ay ku dhowdahay in ay isaga baxaan shirka ka socomayp Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Nabadoon Cabdulaahi digsi oo ka mid ah Odayaasha hormuudka u ah xubnaha beesha Sacad ee jooga magaalada Cadaado ayaa ku sheegay in dowladda federaalku dooneyso in Cadaado ay ka soo baxaan waxay iyadu rabto oo keliya.
Wuxuu sheegay in ay Afduubtay Shirka asigoo geesta kale hoosta ka xariiqay in nin iyaga ka dhashay ay shalay dowladda federalku kala baxday dhismaha Kafaalla ee magaalada Cadaado.
wuxuu sheegay in ninkaas oo Oday caana ah uu soo wacay xilli xoog lagu kaxeynayay kadibna aanay noloshii iyo geeridii wax warka ah ka haynin.
Xigasho: Somali National
Figradihiina