Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Somalia oo ka socda Qaybo ka Tirsan Magaalada Muqdisho

Arbaco, May 27, 2015 (Ceegaag) — Ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku dagaalamaya xaafadda Zone Key oo degmada Hodan ee gobolka Banaadir ka tirsan, kuwaasoo dagaalkoodu uu salka ku hayo dhismayaal laga duminayo xaruntii kabka Millateriga oo ku taalla waddada Warshadaha ee Muqdisho.
Inta la ogsoon yahay saddex askari oo ayaa dagaalkaas ku geeriyooday, iyadoo tiro intaas ka badana way dhaawameen in ku dhow 10-kale, iyadoo shacabkii ku noolaa deegaannada ku dhow halka uu dagaalku ka socdo ay isaga barakaceen.
Goobjoogayaal ayaa ceegaag u sheegay in ciidamada dagaalamaya ay yihiin kuwo iska soo horjeeda, iyadoo koox ka mid ah ay diidan yihiin in dhismayaasha Warshadii kabka ku yaalla la dumiyo iyo kuwo doonaya inay jabiyaan.
“Saaka deegaanka Zone K ee degmada Hodan waxaa soo gaaray ciidammo badan oo wata gaadiidka dagaalka iyo cagaf-cagafyo, kuwaasoo qorshahoodu ahaa inay dumiyaan guryo shacabku ka dhisteen warshaddii kabka millateriga; balse dagaal ayaa ka dhashay,” ayuu yiri goobjooge ku sugan deegaankaas oo la hadlay.
Isagoo sii hadlaya ayuu goob-jooguhu sheegay in ciidamada dagaalku u dhexeeyo ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, Dadkiina ay isaga carareen Guryahooda.
“Xaafadda oo xaaladdeedu way kacsan tahay, dadku waxay billaabeen inay gurayhooda isaga barakacaan, iyagoo baqdin ka qaba in dagaalka ay waxyaallo kasoo gaarto,” ayuu hadalkiisa ku daray goobjoogaha.
Dhanka kale, Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo ceegaag la hadlay ayaa iyaguna sheegay in la toogtay mid ka mid ah darawalladii waday cagaf-cagafyadii dumin lahaa dhismayaasha Warshada Kabka Millateriga laga dhisay, dagaalkuna uu sidaas ku billowday.
Hay’adaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin iska Horimaadka ku dhexmaraya degmada Hodan Ciidamada Dowladda Somalia, iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay deegaankaas ku dagaalamaan ciidamada dowladda Soomaaliya

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply