Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa maanta oo Tallaado ah gaaray magalada Kismaayo xarunta KMG ah ee mamulka Jubbaland.
Sharmarke iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe ku xigeenkiisa, afhayeenka Barlamanka, iyo masuuliyiin kale oo isagu jira shacab iyo wasiirro.
Wasiirka koowaad ee dalka iyo madaxwayne Axmed Madoobe ayaa warbaahinta kula hadlay madaxtooyadda Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Imaanshaha RW dalka magalada Kismaayo oo ay tahay markiisii ugu horaysay tan iyo markuu xilkan qabtay, sidoo kale waxa uu sheegay inuu ka mid ahaa dadkii wax ka dhisan mamulkan Jubbaland.
Ra’iisul Wasaare Sharmarke ayaa dhankiisa ka mahad celiyay sida loogu soo dhaweeyay Kismaayo, waxa kale uu sheegay inuu ku faraxsan yahay mamulka iyo nidaamka Jubbaland ka jira.
Wararka uu helayo Puntand Post ayaa sheegaya safarka Cumar Cabdirashiid ee Kismaayo inuu qayb ka yahay xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay dhismaha Baarlamaanka Jubba, ka dib markii Xildhibaano Baarlamaanka Federaalka mooshin ka keenaan, kaasoo si xun uga caroodeen madaxda Jubbaland oo ku goodiyay inay jari doonaan wada shaqaynta Kismaayo iyo Muqdisho.
Ceegaag.com
Figradihiina