Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mid ka mid ah asaasayaashii ururka Al-Shabaab oo xalay geeriyooday

khamiis, May 28, 2015 (Ceegaag) -Xarakada Al-Shabaab ayaa shaacisay inuu geeriyooday Sheekh Xasan C/llaahi Xersi (Xasan Turki) oo ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee ururka Al-Shabaab, kaddib markii uu u geeriyooday xanuun maalmahaan hayay.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in Sheekh Xasan Turki uu ka mid ahaa odayaasha ururka Al-Shabaab iyo asaasayaashii xarakada, iyagoona sheegay inuu ku geeriyooday degaan loo yaqaano Hargeysa-yarey oo ka tirsan gobolka J/dhexe.
Marxuum Sheekh Xasan C/llaahi Xersi (Sheekh Xasan Turki) ayaa ku dhashay magaalada Qabri-Daharre ee dhulka Soomaalida Itoobiya, isagoo wax ku soo bartay dalalka Sacuudiga, iyo gudaha dalka Soomaaliya ayaa ka mid ahaa xubnihii raacay ururka Al-Shabaab, markii ay kala jabeen Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahaa ee uu Guddoomiyaha ka ahaa Sheekh Shariif Sh. Axmed.
Sheekh Xasan Turki ayaa waxa uu dalka mareykanka ugu jiray liiska dad ay raadinayeen isagoo ku eedeeyey inuu wax ka abaabulay qaraxyadii lagu baabi,yey labadii safaaradood ee Kenya iyo tansaaniya .
Marxuumka ayaa waxaa ay ururka shabaab uyaqaaneen shiikha ruuxiga ahaa geerida marxuumka ayaa waxaa idaacadaha ururka al shabaab ka sheegay afhayeenka shabaab sh cali dheere.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply