Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
sabti, May 30, 2015 (Ceegaag) Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shaaca ka qaaday qorshihiisa ku aadan in gobolka Banaadir loo sameeyo maamul federaali ah oo la mid ah maamulada laga dhisayo gobolada dalka.
Muungaab ayaa sheegay in bulshada uu kala tashanayo sidii gobolka Banaadir loogu sameyn lahaa maamul Federaali ah, isla markaana uu wax la qeybsado maamulada gobolada ee dalka ka jira.
“Waxaan dadaalkeeda ku jirnaa sidii Gobolka Banaadir u yeelan lahaa maamul federaali ah” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab oo sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay caasimadda dalka isla markaana ay ka dhaxeyso Soomaali oo dhan.
Muungaab waxaa kale oo uu ka codsaday Golaha Baarlamaanka inuu soo saaro sharcigii maamulka loogu sameyn lahaa gobolka Banaadir, isla markaana qeexaya nidaamka Muqdisho ay noqoneyso hab maamulkeeda iyo maqaam gaar ah in loo sameeyo.
Dhinaca kale Guddoomiye Muungaab ma sheegin gobolka Banaadir oo kaliya sida maamul goboleed loogu sameyn karo bacdamaa dastuurka dalka uu dhigayo laba gobol iyo wax ka badan, inkasta oo uusan sheegin gobolka kale ee lagu lamaaninayo si maamul goboleed loogu sameeyo.
Figradihiina