Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
June 2 (ceegaag)— Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidanka AMISOM ayaa la wareegay deegaanka Tooro-Toorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay saldhig ku lahaayeen Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay si nabad ah kula wareegeen deegaanka, kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab intii mudaba ay u aheyd Toora-Toorow saldhig ay uga duulaan deegaanada kale ee ay ku sugnaayeen Ciidamada dowladda.
Al-Shabaab ayaa la sheegay in degmada Sablaale kaliya ay ku hartay gacantooda, iyadoo inta badan deegaanada Gobolka Shabeellaha Hoose ay gacanta ku hayaan ciidanka dowladda.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegayaa inay isu diyaarinayaan duulaan ballaaran oo ku wajahan deegaanada Shabeellaha Hoose iyo deegaanada kale ee deriska la ah.
Bishii la soo dhaafay ayaa Al-Shabaab weeraro ku qaaday deegaanada Awdheegle iyo Mubaarak oo dhowr jeer inta ay qabsatay isaga baxday.
Figradihiina